DIGNIIN: HORJOOGE DOOLAAL OO LOO XILSAARAY KALA FURFURKA KACDOON LAASCAANOOD

horjooge ismaaciil cawaale doolaal

Hogaamiyaha Jamhadda SNM Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi Cabdi ayaa masuuliyadii ka wareejiyey dhamaan horgalladdii ka soo jeeday SSC ee ku fashilinmay inay kacdoonka Laascaanood demiyaan, wuxuuna masuuliyadda ku wareejiyey HORJOOGE Gaashaanle Sare Ismaaciil Faarax Cawaale Doolaal oo ah khabiir ku takhasusay nidaamka Qaybi oo xukun ee beelaha SSC.

Gaanshaanle Sare Doolaal waa ninkii maleeshada SNM ee degaamada xoogga ku haysata u qaabilsanaa nidaamka kala Qaybinta oo xukun, wuxuuna leeyahay khibrad 17 sanadood ah, waa nin ka soo jeeda Beesha Arab, wuxuuna dhulbahantaha ku soo galaa inuu awoow u yahay, Nuux Taani ayey is qabteen, laakiin maanta ayaa howshiisii dib loogu bilaabay.

Hawlgalkii ugu horeeyey wuxuu ka bilaabay:

Inuu heshiisiiyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Muuse Biixi.

In dib loo abaabulo Ciidamadii Mahad Canbaashe, islamarkaa ay dib u bilaabaan adeegyaddii ay Jamhadda SNM u qaban jireen.

ILLAA HADDA HOWLAHA UU HESHIIYEY WAXAA LAGU HESHIIYEY:

In Magaaladda la dejiyo oo loo sheego inaan Maleeshiyaadkii xalay laga saaray soo weerari doonin.

In Wadooyinka la furo si ay Maleeshiyada SNM ugu fududaato si markay doonaan ay magaalada deg deg ugu qabsadaan.

In Saacadaha soo socda la howlgeliyo qaybo ka mid ah maamulka Gobolka iyo adeegyadii horgalladu qaban jireen.

In shacabka kacdoonka wada lagu dejiyo in SSC iyo Somaliland wada hadlayaan.

WAXAAN SHACAB SSC EE HALGANKA KU JIRA UGA DIGAYNAA INAY KA DIGTOONAADAAN DHAGARTA CADOWGU IDIIN SOO MALEEGAY, INAAD DIFAACYADIINA BURBURISAAN AMA DHUFEYSYADDII KA BAXDAAN GARAAD IYO CID KALE TOONA HAKA YEELINA, ILAA AAD XOROWDAAN DAGAALKU WAA SOCONAYAA MANA DHOWA.

HALGANKU WAA BILOW EE HAYSLA BIXINA, XAGAL-DAACINTUNA WAA JIRAYSAA EE HALAGA DIGTOONAADO.

GUUL IYO GOBANIMO SSC

#SSCGENOCIDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here