UGU YARAAN 200 OO DHALINYARO SSC AH OO XERYO GAAR AH LAGU CIQAABO

kacdoonka sool

Maamulka GACAN-KU DHIIGLE Muuse Biixi ayaa si qarsoodi ah u sameeyey xeryo la mid ah, kuwii Jarmalku dagaalkii labaad Yuhuuda ku ururin jiray ee ku xasuuqi jiray.

Mudadii kacdoonku socday ee Isgaarsiintu gonayd waxaa magaaladda Laascaanood laga qafaashay ugu yaraan 200 oo dhalinyarro ah, sidoo kale qaarbaa baabuurta safarka ee Hargeysa iyo Burco lagala degay, waxaa kujiro gabdho Hargeysa deganaa oo guryahoodii lagala baxay.

Maamulka SNM ee ku fashilmay inuu demiyo Halganka Daraawiishta, Beesha Caalamka iyo Soomaalida ayaa hadda doonaya inuu dib u soo celiyo dhalinyaradii xeryaha ciqaabta lagu hayo, balse waxay ka baqayaan inay caalamka ogaysiiyaan sida foosha xun ee dhalinyaradda loola dhaqmay.

Illo Xogogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in ilaa 10 Horgalle loo xilsaaray inay dhalinyaradda ku cadaadiyaan inay ka duubaan in si fiican loola dhaqmay, iyagoo kii diida ugu hanjabaya inuu xeryaha ku sii jirayo oo la ciqaabi doono, dabadeedna wixii ogolaada dib Laascaanood loogu soo celiyo, oo ay ka dhigaan in GACAN-KU-DHIIGLE Muuse Biixi uu nin wanaagsan noqday.

Waxaan shacabka SSC xusuusinaynaa in dhalinyaradaasi yihiin Halgameyaal ay xaqdaro ku qafaasheen dad daalimiin ah, baryo lagu soo deyn maayo ee waxaa badbaadiyey dhiigii aad u hurteen iyo halgankii aad wadaan, Muuse Biixi, Maleeshiyadii iyo Horgaladu waa daalimiin, lib iyo abaaltoona loogu hayn maayo inay dhalinyaradii xeryaha ciqaabta ka soo daayaan. SI FIICAN U SOO DHOWEEYA DHALINYARADDA, HORGALLADANA IYO CAATEQAATEYAASHANA MEEL UGA SOO WADAJEESTA.

Dib ayaan idiinka soo sheegaynaa horgallada dhalinyaradda ku khasabka kaga duubaya in si fiican loola dhaqmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here