Waxaa telefishanka Jamhadda SNM ka soo muuqday Horgal Faarax Ciise Cabdi iyo Horgal Baashe Cali Jaamac oo qaar ka mid ah dhalinyaraddii SSC ee Laascaanood laga afduubtay oo ay ku khasbeen inay duubaan in si fiican loola dhaqmay lagu wareejinayo.
Horgalladda waxaan leeyahay waxaad khaatumo xumeysateen, dhalinyaradan daalimiintu afduubatay, baryona uma baahna, khasab baa lagu siidaynayaa, waxaa loo shubayaa dhiig iyo dheecaan, waxba ugama baahna dadkiina kabo-qaadka u ah GACAN-KU-DHIIGLE ku sifoobay cadowga ilaahay iyo Umadda Soomaaliyeed.
FAARAX CIISE CABDI:
Faaraxow cimri kuuma harin, 80 sano ayaad dhaaftay, waa nasiibdarro inaad madaxweyne ku sheegto hoaamiye jamhadeed oo GACAN-KU-DHIIGLE ah oo dad muslim ah Xasuuqaya, oo kasii darane aad muujiso inaad ku faraxsan tahay (Kulan xun baad ku faraxday).
SSC WAX WADAHADAL AH MUUSE BIIXI LA GELI MAAYAAN, JAMHADDA SNM WAXAY ISKA SAARAYAAN, ee adigu ha khaatumo humaysan oo adigoo Horgal ah, oo aan daahir hayn ha dhiman ee isdaahiri oo ka toobad keen dembiga aad gashay.
BAASHE CALI JAAMAC, MA UMULBAA ILOWSHIIYO DHOWAA:
Iyadoo Cali Khaliif lagugu xumeynayo ayaa shirkii ARWBOOGEYS iyo kii ADHICADEEYE LAGUU DIRAY, markaad tolkaa soo baabiisay oo Hargeysa ku noqotayna cay baa lagugu soo dhoweeyey, xilkii waa lagaa qaaday, labadii baabuur ee aad Haysatay qabiil ahaan baa lagaaga qaaday, maanta waa lagu shaqogeliyey oo wiilashii laga been abuurtay ee Jamhada SNM afduubka u haysato baad ARGAGIXISO ku sheegtay, caaruurtii dulmiga lagu haystay baa waxqabad lagaaga dhigay oo lagu yiri orod caruurtaas kaxee oo jamaahiirta soo khiyaame, waad fashilantay.
Waxaan shacabka SSC u sheegaynaa Horgal Faarax Ciise Cabdi iyo Horgal Baashe Cali Jaamac waxay ku dhaceen dembi weyn, waxay garabsiinayaan Jamhad ka soo horjeeda wadajirka Islaamka oo diinteenu ilaalinteeda inagu waajibisay, waxay horgal u yihiin Midnimo-diidkii Soomaaliyeed, dulmilow dad islaam ah Xasuuqaya ayey garab siinayaan, waxay shilimaan dhaafsaday midnimada shacabka SSC, sidaasdarteed waxkasta oo Jamaahirtu shirqoolkooda iskaga difaacdo xaq bay u leeyihiin, halkii kuwii horemareen halaga dabageeyo.
REER SSC IYO MUUSE WADAHADAL KAMA DHEXEEYO.
GUUL IYO GOBANIMO SSC.
DAAWO HADALKA HORGALLADDA:
#SSCGENOCIDE