HALGANKA LAASCAANOOD WAA JIHAAD MIDNIMADA SOOMAALIYA IYO WADAJIRKA ISLAAMKA

ssc midnimada

Halgan Shacabka SSC ee LAASCAANOOD ka socdaa, waa jihaad lagu difaacayo midnimadda, Soomaalinimada iyo Wadajirka Islaamka, waxay gooni-u-goosatada isku haystaan aayada quraanka ee faraysa midnimada iyo wadajirka islaamka iyo inay xariga ilaahay wadaqabsadaan, sidaasdarteed marna ma aqbalayaan qabiil gooni-u-goosato ah oo ku mashquulsan tafaraaruqa islaamka, dhaawacayana midnimadda Ummadda Soomaaliyeed:

Waa ayaandarro in masuuliyiintii qaranka Soomaaliyeed ay halganka shacabka SSC ku sifeeyaan rabshado, shaqsiyaadkaasi waa kuwo aanay ku weynayn midnimadda Soomaaliyeed iyo wadajirka Islaamkuba, oo qabiilkii iyo qabyaaladii madaxmartay, kuna kaliftay inay dulmiga u hiilinayaan oo qaranimadii ilaawaan.

Waa gef cad in Shacabka SSC halgankooda lagu sheego rabshado, sidoo kale waa dulmi in qabiil gooni-u-goosato ah lagu tilmaamo Dawladda Somaliland, dadkii midnimadda doonayeyna la dulmiyo.

Maanta laga bilaabo shacabka SSC meelkasta oo ay joogaan waa inay BANAANBAXYO IYO JAWAABCELIN AF IYO ADINBA KAGA JAWAABAAN MASUULKII HALGANKOODU KU TILMAAMA RABSHADO.

GUUL IYO GOBANIMO SSC

#SSCGENOCIDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here