Si ay Goboladda SSC uga baaqsadaan fowdadii Muqdisho ku dhacday 1991, waa in Masuul walbaa uu hayaa xilkii uu degaanka ka hayey haddii aanu dhib ku hayn kacdoonka iyo halgan Jamaahiirta. Halganka iyo Maamul Cusubi iskuma gelayaan, halganka, guusha iyo inaan cagaheena isku taagno waxay qaadan kartaa sanado.
Maamulka degmadda Laascaanood ee shacabkoodii ku soo biiray way mahadsan yihiin, waa inay masuuliyadoodii halkii iyo ka wanaagsan ka sii wadaan oo ay u diyaargaroobaan xaaladda kalaguurka, Maamulka Gobolka wixii aan ahayn Jamhaddii SNM ee magaalada joogaa waa inay xilkii buuxiyaan, wasaarad iyo hayad walba waa inay xafidaa amaanaddii iyo adeegyaddii ay bulshada u haysay deg deg.
Looma baahna In gudiyada aayo ka talinta iyo Isimadu ay ku qamaamaan arimaha maamulka.