MUUSE BIIXOW ISCASIL OO SAYLICI KU WAREEJI XILKA SI UU ISAAQ U KALA BADBAADIYO

muuse biixi2

Madaafiicdii ugu horeysay ee Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi Laascaanood ku garaacay waxay ku dhaceen oo ku dhintay Somalilandnimadii, Gooni-isutaagii, Aqoonsigii, Lafihii iyo xasuuqii lagu qudhaaban jiray, Reer Waqooyinimaddii, Walaaltinimaddii, Abtinimaddii, xididnimaddii iwm. Wuxuu muujiyey cadaawadii, nacaybkii iyo Ciilkii uu shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn uu u qabay, ILLAAHAY BAA MAHAD LEH OO ISAGU IFTIIMIYEY XUMAANTII DEGAAMADAAS LOO QABAY, ISLAMARKAANA REER SSC SIIYEY GUUSHA IYO MIDNIMADDA SABABTAY IN WIXII 32 SANO LA DHOOBDHOOBAYEY KU FASHILMAAN 30 MAALMOOD.

Waxaan Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi u xaqiijinayaa in inta qof ka nool yahay aanay Reer SSC wadahadal iyo heshiis la geli doonin, sidaasdarteed waxaa kula gudboon INAAD IS CASISHO OO MADAXWEYNE KU XIGEEN SAYLICI XILKA KU WAREEJISID, si Beelaha Isaaq uu u kala badbaadiyo.

BEESHA HABAR AWAl: Waa nasiib darro in Beesha Habar Awal ay dhiiqadda Muuse Biixi 5 sano ku jiray ka dabagalaan oo weliba ku difaacaan, markasta oo aad xil qabataan waxaa taariikh idiin noqotay inaad Reer ku duushaan oo weliba ku eedaysaan diinta islaamka ayey haystaan, Ina Cigaal colaaddii uu Garxajis u geystay baan ogeyn, maantana waxaad noqoteen CEESAANTII MAS IYO GOOD IYO MADAXA SHABEELKA LEEFTAY EE MELAGEEDU GALAY, DHASHII DARAAWIISHTA BAAD DOONATEEN, taageeradiina indho la,aanta ah iyo aamusku wuxuu keenay in Somaliland burto, 100 sano ee soo socda Xilka Madaxtinimadda iyo Xisbi toona yaan damac idiinka gelin.

HABARJECLO IYO ARAB: Waxaa ayaan-darro ah in labadan beellood ay kala garan waayaan khasaaraha uu Muuse Biixi shacabka SSC gaadhsiinayo iyo tan uu Somaliland gaarsiinayo kan weyn, madfac kastaa Laascaanood waa u guul iyo sharaf midnimadda Soomaaliyeed loo qaaday, halka Somaliland ay ku tahay khasaare, sharaf dhac iyo dulmi, hadalkiinuna maanta waa ciyi waa ka baryey, Reer SSC idiinka tegee ee intiina hadhay dad-qaladda ka badbaadiya.

WAXAA HAMBALYO IYO BOGAADIN MUDAN JAMAAHIIRTA, ISIMADA, GUDIYADDA, IYO SHACABKA SSC ee sida midnimadda iyo geesinimadda leh isaga difaacay maleeshiyadda Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi, waxaana idiin boorinaynaa samir iyo adkaysi illaa aad askariga ugu dambeeya degaamadiina ka saaraysaan, illaahayna waxaan ka baryeynaa inuu u naxariisto kuwii Halganka iyo difaaca ku dhintay.

JAMAAHIIRTA SSC TACSI IYO DUCO MUNAAFAQNIMO AH UGAMA BAAHNA BURCO, HARGEYSA IYO AWDAL, TACSI WAXAA LAGA OGOL YAHAY GARXAJIS IYO AYUUB.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here