MAAYARKA DEGMADDA LAASCAANOOD OO KA WARBIXIYEY DEMBIYADII SOMALILAND GEYSATAY

maayarka laascaanood iyo g degaanka

Danbiyadii ay Somaliland ka gashey Laascaanood

Waxaa Somaliland Laascaanood ku dishey

1:210 Qof,

2:Waxaa Dhaawacdey 680 Qof.

3:Waxay Barakacisey 200,000 oo Qof.

4:Waxay Bur burisey 715 oo guri.

5:Waxay xidhey 16,000 oo ganacsi.

6: Waxay la Jarey Biyihii magaalada.

7:Waxay bur burisey Shirkadii Korontada.

8:Waxay dhibaato gaadhsiisey shaqaalihii korontada

Qaar ay dishey, qaarna Afduubatay.

9:Waxay Ciidamada Somaliland ay biliqaysteen guryihii iyo meheradihii gabacsi ay ka dagaalamayeen.

10:Waxay leeyeen shacabkii safarka ahaa ee magaalada ka baxsanaa iyagoo gaadiidka kala degey.

Baaqa Golaha Deegaanka ee degmada Laascanaood :

1:In degmada Laascaanood iyo nawaaxigeeda laga Saaro ciidamada Somaliand lana geeyo degmada Caynaba.

2:In shacabka hubaysan laga saaro magaalada marka laga xoreeyo Somaliland deegaanka si loo soo celiyo noloshii magaalada.

3:In Gargaarkii Bani Aadanimo la soo gaadhsiiyo dadkii dhibaatada ay samaaysay.

Maayarka degmada Laascaanood.

C/Raxiim Cali Ismaaciil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here