LAASCAANOOD: XUKUNKII SOMALILAND OO LAGA REYSTAY SHAREECADA OO LA RAACAY

garaad jaamac iyo garaad cabdilaahi

Waxaa maanta lasii daayey Sadaam Xuseen Ducaale Dheeg oo habeen hore magaalada LAASCAANOOD ku diley marxuum Maxamed Cali Hiirad, gacan ku dhiiglaha oo la qabtay islamarkii uu faldanbiyeedka geystey ayaa saaka isagoo qisaasan loo geeyey aabaha dhalay marxuumka dhintay.

Aabaha dhalay Marxuumka habeen hore dhintay ayaa qisaasta ka cafiyey ninka wiilkiisa diley isagoo halkaas ay ugu duceeyeen Madaxda dhaqanka SSC oo ku sugnaa goobta.

Magaalada Laascaanood oo 15 kii sano ee Somaliland ka talinaysey lagu diley in ka badan 150 qof ayaysan dhicin in markeliya lasoo qabto qofkii wax diley, intii Somaliland laga saaray Laascaanood waxaa ka dhacay laba faldanbiyeed oo keliya kuwaasoo la qabtay dadkii geystey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here