Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Pakistan, ugu yaraan 350 Pakistaaniyiin ah ayaa saarnaa Doon ku dagtay koonfurta Giriiga taarikhdu markay aheyd 14-kii June.
Dad u dhashay dalalka Masar iyo Suuriya ayaa sidoo kale ka mid ahaa boqollaal muhaajiriin ah oo laga cabsi qabo in ay dhinteen.
Dhimashada rasmiga ayaa ah 82, halka 104 ay ka badbaadeen oo ay ku jiraan 12 Pakistani ah.
Doonidan ayaa loo malaynayaa inay ka soo baxday dalka Masar, waxaanay dad muhaajiriin ah ka soo qaadday magaalada Tobruk ee dalka Liibiya.
Dad doonaya inay gaaraan wadamada Yurub ayaa kumannaan dollar ku bixiyey safarkan qatartiisa leh.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in inta u dhaxaysa 400 ilaa 750 qof ay saarnayeen Doonidan ku degaty meel 50 mayl (80km) koonfur-galbeed ka xigta magaalo xeebeedka Pylos ee dalka Griiga.