Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Diyaaradda oo sidday rakaab ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhacday agagaarka dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay soo dhacday diyaarad lagu magacaabo Hala Airline.
Waxaa diyaaradda saarnaa ku dhowaad illaa 30 qof oo rakaab ah, sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan garoonka Muqdisho.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shilkan diyaaradeed uu geystay khasaare u badan dhaawac iyo burbur soo gaaray diyaaradda.
Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Fardowso Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Telefishinka Qaranka ayaa ka warbixisay shilkan, waxayma sheegtay inuu ku dhaawacmay hal qof.
Sidoo kale waxa ay beenisay in diyaaradda soo dhacday ay la socdeen ra’iisul wasaareyaashio hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay inay la socdeen diyaaraddaasi.
“Ra’iisul wasaarayaashii hore ee la sheegay inay saarnaayeen ma aha diyaaraddii ay la socdeen diyaarad kale oo aan soo caga dhigan ayay saaran yihiin, waama Fly kale oo Hala Airline ah” ayay tiri wasiir Fardowso Cismaan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in uu socdo gurmad loo fidinayo rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.
Halkan hoose ka daawo Sawirrrada:-