Kalfdhiga 4-aad ee Barlamaanka Soomaaliya ee maanta furmay ayaa la filayaa in uu ka duwanaado sedexdii kalfadhi ee ka horreeyay, waxa la saadaalinayaa in ay hareeyaan doodo siyaasadeed oo aad u adag.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kalfadhiga furay ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey.