Abiy Ahmed oo shacabka ugu baaqay in ay hub kasta oo ay haystaan isku difaacaan

abiy axmed2

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa taageerayaashiisa ku booriyay inay adeegsadaan hub kasta oo ay heystaan si ay u joojiyaan horusocodka ay wadaan ciidammada fallaagada Tigreega.

Waxa uu baaqan ku qoray bogga uu ku leeyahay Facebook ka dib markii ay jabhadu sheegtay in ay guulo kale oo dhuleed ka gaadheen gobolka Axmaarada, iyaga oo ku sii dhawaanaya caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Abiy ayaa sheegay in ay waajib ku tahay muwaadiniinta in sida uu hadalka u dhigay ay xannibaan, baabi’iyaan oo ay aasaan ciidamada jabhadda TPLF.

Xilli uu intaasi sii raaciyey in ay ku caana maaleen ‘waardiyaynta dalkooda’.

“Mustaqbalka cadawgu wuxuu ururin doonaa ciidammadiisa hadhay wuxuuna qaadi doonaa weerarro kale,” ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ka digay “innaga oo og in isha dhibkeenna halka ay tahay, taas oo ah daciifnimadeenna iyo dayacayada, waa inaan feejignaannaa. Kala taggeennu waxa uu u habboon yahay cadowga. Haddii aan is-maqalno oo aan iska kaashanno, waxaa bilaabanaysa in awoodda cadowga ay burburto,” ayuu yidhi oo sii raaciyey hadalkiisa.

Afhayeen u hadlay kooxda TPLF (Getachew Reda) ayaa sheegay in ujeedadooda kaliya ay tahay in ay jabiyaan go’doominta Tigrayga. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in afar boqol oo kun oo qof oo ku nool gobolka ay ku nool yihiin xaalado macaluul u eg, sanad kaddib markii uu dagaalku billowday.

Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo dagaalka uu sii xoogeysaneyey maalmihii ud anbeeyey.

Qoraal laga soo saaray Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa looga dalbaday TPLF inay hakiyaan ku siqitaankooda magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.

TPLF ayaa horay u sheegtay inay magaalooyinkaasi la wareegtay inkastoo dowladda ay beenisay.

Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya, ayaa sheegay iney qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dase, ee ka tirsan ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadley qawmiyadda Tigreega, ayaa lagu waramayaa inuu sheegay in ciidamadoodu ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Dase waxey Addis Ababa u jirtaa wax ka yar 400km, taas oo ka dhigan ku guulaysiga Dase, waxey noqon doontaa iney ku sii siqayaan koonfurta ugu fog ee gobolka Amxaarada.

Siyaasadaha Abiy Axmed ee horseeday in Itoobiya go’doon gasho”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa u muqdo in uu sii wado siyaasadaha u horseeday in Itoobiya ay go’doon gasho ayna lumiso saaxiibtinamadii kala dhexeeysay caalamka iyo saameynta ay ku laheyd go’aanada gobolka, sida uu qoraqy wargeyska ka soo baxay Britain ee The Economist.

Markii ugu horreysay uu xilka qabtay Abiy wuxuu soo dhaweystay mucaaradka, wuxuu isbaddal ka sameeyay Itoobiya, sannadkii 2018 wuxuu heshiis nabadeed la saxeexday Eritrea oo colaad kala dhexeysay, tallaabootinkaas oo u horseeday in la guddoonsiiyo bilabadda nabadda ee 2019.

Waxaa dalka harreeyay dagaallada u dhexeeyay qowmiyadaha qaar kaas oo horseeday burbur dhaqaale iyo dagaallada ka qarxay gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Dhawaan ayaa Abiy Axmed loo caleemo saaray xilka Ra’iisul Wasaaraha si Itoobiya uu hoggaamiyo shanta sana ee soo socota ka dib markii xisbigiisa PP uu ku guuleystay doorashadii bishii July ka dhacday dalkaas.

Wargeyska ayaa sheegay in dabaaldegga Abiy, ee ka dib guusha doorashada, ay jawaab cad u tahay dadka ka shakisan awooddiisa oo kow ka yihiin fallaagada TPLF kuwaas oo dagaal kula jira dowladda dhexe.

Sidoo kale, dib u soo noqoshada Abiy waxay u muuqataa mid farriin loogu dirayo beesha caalamka oo xiriirkii kala dhexeeyay uu heerkii ugu xumaa marayo.

Sidoo kale, wargeyska wuxuu soo hadal qaaday, digniintii bishii la soo dhaafay ay dowladda Mareykanka u dirtay Itoobiya ka dib ay ku hanjabtay in cunaqabateyn ay ku soo rogi doonto saraakiisha dowladda, waa haddii labada dhinac ee uu dagaalka ka dhexeeyo ay heshiis ka gaari waayaan, si gargaarka loo gaarsiiyo malaayin qof oo ku go’doonsan gobolka ay colaadda ka taagan tahay ee Tigray.

Dhawaan ayay aheyd markii Qaramada Midoobey ay ka digtay in boqollaal kun qof ay macluul ugu dhiman karaan Tigray. Tallaabadaas ka dib, Abiy Axmed wuxuu dalkiisa ka ceyriyay toddobo sarkaal oo ka tirsan Qaramada Midoobeey, isagoo ku eedeeyay inay soo faragelin arrimaha gudaha dalkiisa, sida lagu qoray majalladda The Economist.

Wuxuu intaa ku daray in ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo ay baahinayaan warbaahinta dowladda Itoobiya, sida in la rumeysan yahay in qaar ka mid ah dalalka shisheeye ay taageerayaan TPLF ama ha’yadaha Qaramada Midoobey ay hub u dusinayaan kooxaha iyo sidoo kale eedeymo loo jeediyay hay’adaha qaar sida hay’adda aan dhakhaatiirta xudduudda laheyn.

Wargeyska wuxuu isbarbardhig ku sameeyay hadalladii amaanta ahaa ee uu jeedinayay Abiy Axmed ee horseeday in saaxibo badan iyo saameyn xooggan uu ku yeesho caalamka, halka maanta xukuumadda Addis Ababa ay ka jeedineyso hadallada qallafsan ee ka dhanka ah caalamka ee gebi ahaanba xaaladda wax ka baddalay.

Wargeyska The Economist wuxuu go’aanka uu qaatay Abiy Axmed ee dhanka siyaasadda dibadda ah tilmaamay, “Mid horseeday in xumaado cilaaqaadkii Itoobiya kala dhexeeyay Urur Goboleedka IGAD gaar ahaan Suudaan, kaas dhaliyay in dagaal uu ka dhaco xadka labada dal iyo gaar ahaan in uu sii xumaado xiriirkii kala dhexeeyay Reer Galbeedka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here