Baydhabo oo maanta markale lagu doortay xildhibaano cusub

calanka koonfur galbeed

Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay doorashada kuraasta Golaha Shacabka iyadoo xildhibaano cusub lagu doortay.

Xildhibaanada cusub ee la soo doortay ayaa waxa ka mid ahaa Cabduqaadir Shekh Cali (Baraka) oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-177 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Abuukar Kheyr uu heley 16-cod.

Mid kamid ah dhalinyarada Soomaalida oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-188 ee Xubinnimada Golaha Shacabka isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdisamed Aadan Isaaq uu heley 27-cod.

Cabdiraxmaan isaaq Maxamed ayaa isagana ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-185 isagoo helay codad gaaraya 71-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamednuur Maxamed uu heley 24-cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here