Hadal ka soo yeeray madaxa sare ee golaha Yuhuuda ee Imaaraatka, Elie Ebadi, oo ku saabsanaa qorshe lagu dhisayo xaafadii ugu horaysay ee Yuhuudda gaar u ah, ayaa dood iyo muran badan ka dhaliyay baraha bulshada.
War saxaafadeedka ka soo baxay, oo lagu daabacay wargeyska ,The Jerusalem Post, ayaa madaxa golaga Yuhuuda Imaaraatka waxa uu ku yiri: “xaafadda la dhisi doona ayaa waxay ka koobnaan doontaa suugyo, guryo, iskuulo, xarun bulsho iyo hoteello, xaafadda ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo dalalka Khaliijka, iyo dalalka Carabta.”