DAADAD IYO DHUL GO’ KA DHACAY GOBOLKA XEEBTA EE KENYA

daadad kenya

Roobbab mahiigaana oo lala xiriirinayo El nino kuwaas oo ay ka dhasheen daaddad soo rogmaday ayaa ku fatahay magaalooyin badan oo ku yaala geeska afrika, waxayna uga tagtay boqollaal kun oo qof hoy la’aan.

Kenya tirada ku dhimatay fatahaadda ayaa gaartay 46 qof, waxana laga baqayaa in ay korodho.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay wadada tareenka ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa keenay in ay qasab noqoto in la hakiyo adeegyada xamuulka ee tareenada sida ay sheegtay waaxda tareennada Kenya.

Sidoo kale wadadan tareenka waxay shixnado u maraan wadamo ay kamid yihiin Ruwanda, Ugaandha, iyo Suudaanta Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here