Dagaal ayaa hadda oo saqdii dhexe ah dib uga qarxay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Puntland iyo ciidamo taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
Dhawaqa rasaasta iyo hubka culus oo ka dhacaya laba dhinac ayaa laga maqlayaa guud ahaan xaafadaha magaalada Boosaaso.
Dagaalka ayaa dib u bilowday xilli ay labada dhinac ku dhawaaqeen xabad joojin, ayna socdeen dadaalo lagu doonayo in xiisadda taagan lagu dhammeeyo xal nabadeed.