Bari ayay diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee loo yaqaanno UAV ahaan jireen hub ay heystaan dalalka ugu awoodda badan adduunka oo keliya.
Diyaaradahan lagu magacaabo drones-ka waxa ay gebi ahaanba baddaleen qaab dhismeedkii dagaalka ee ay lahaan jireen dalalka horumaray ee heysta hubka casriga ah.
Taangiyada ayaa door muhiim ah ka qaatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, balse dunida hadda la joogo diyaaradaha Drones-ka ayaa kaalinta ugu weyn ka ciyaara dagaalka goobta ee markii hore gacanta la isula tagi jiray.
Sannado ka hor, drone-tii ugu horreysay ee Mareykanka, USS-1, oo loo adeegsaday howlgalladii fallaagada Afghanistan, Ciraaq iyo meelo kale, ayaa noqotay hubka ugu casrisan caalamka.
Markii ugu horreysay diyaaradaha drones-ka waxaa loo sameeyay si loogu raadiyo askarta kor dheer wax ka shiista eeadeegsan jiray diyaaradaha qumaatiga u kaca ee casriga ah.
Balse markii dmabe drone-kii loogu talogalay in lagu ugaarsado shakhsiyaadka wax toogta ayaa noqotay mid loo diro goobaha dagaalka.
Drones-ka waxa ay hubkii ka horreeyay uga fiicnaatay inay qaadi karto gantaallo culus ayna sababi karta khasaare aad u weyn.
Mareykanka waxaa u suurtagashay in isagoo isticmaalaya diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn uu beegsado cadowgiisa xilli kasta iyo meel kasta oo ay joogaan.
Janaraalkii Iiraan u dhashay ee lagu magacaabi jiray Qaasim Suleymaani oo labo sano ka hor lagu dilay Baqdaad ayaa la aaminsan yahay in lagu beegsaday weerar ay fulisay diyaarad drone ah.
In muddo ahba, weerarrada drones-ka waxay noqdeen howlgallada ugu muhiimsan ee ay fuliyaan militariga Mareykanka iyo kuwa Israa’iil, oo la rumeysan yahay inay yihiin dalalkii ugu horreeyay ee awooddaas isticmaalay.
Balse arrintu waxay isu baddashay si deg deg ah, haddana waa cusub ayaa u baryay hubka casriga ah ee dunida laga adeegsado, waxaana drones-ka ku hubeysan dalal aad u badan.
Waxay noqdeen hubka keliya ee lagu ugaarsado kooxaha loogu yeero argagixisada iyo fallaagada ku dhuumaaleysta dhulalka lama galaanka ah. Inta badan howlgallada ay fuliyaanna waxay leeyihiin natiijo.
Maadaama ay dunidu ku jirto waqti la heysto tiknoolojiyad casri ah, maalinba maalinta ka dambeysa diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyd waa la sii casriyeynayaa, awooddodana way sii kordheysaa. Waxaa la filayaa in mustaqbalkana ay intan kasii casrisanaan doonaan.
Qaabkey u sameysan tahay drone?
Waxaan tusaale usoo qaadaneynaa Mickey-9 Ripper oo ka mid ah drones-ka Mareykanka ee casriga ah.
Hub kaliya ma xambaarto diyaaradda drone-ka ah balse waxay sidoo kale leedahay awood ay wax ku aragto iyo awood ay ku dareento khatarta.
Qalabka ku xiran waxaa ka mid ah:
Kaamiro ay ku leedahay qaybta hore, mid hoos ku xiran iyo qalab dareema dhaqdhaqaaqa
Seyn weyn oo ka caawisa inay si dheerritiran ugu socoto hawada
Qalabka GPS-ka ee lagu ogaado tilmaanta dhulka
Gantaallo ama bambooyin lagu tuuro goobaha bartilmaameedka ah
Dhirir ahaan waa 10.97 mitir
Kor waxay u kacsan tahay 3.66 mitir
Ballaca baalasheeduna waa 21.12 mitir
Xawaaraha ugu sarreeya ee ay ku socon karto waa 463 km / saacaddiiba
Dagaalka Itoobiya iyo doorka Drones-ka
Mid ka mid ah howlgalladii ugu dambeeyay guulahana soo hoyiyay ee drone-ka loo adeegsado waxa ay ka dhaceen dalka Itoobiya oo uu ka scdo dagaal u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo fallaagada TPLF.
Itoobiya oo la aaminsan yahay inay diyaaradahan casriga ah ka heshay Turkiga iyo Iiraan ayaa u adeegsatay inay ku jabiso xoogagga kasoo horjeeda ee daacadda u ah maamulka Tigray-ga.
Waxaa lasoo tabiyay in hadda ay Itoobiya noocyo kale oo drones-ka ah ka dalbatay Shiinaha, iyadoo dooneysa inay gacanta ku dhigto nooca loo yaqaanno “Wing Lung 2”. Wararku waxay sheegayaan in xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ay Imaaraadka Carabta u mareyso si ay u hesho drones-ka Shiinaha.
Drones-ka dagaalka ayaa door aad u weyn ka qaata dagaallada ka dhaca dunida casriga ah, sida kuwii ka dhacay Liibiya iyo Azerbaijan.
Imaaraadka Carabta ayaa drones-ka Shiinaha ay ka heleen u adeegsaday dagaalka Liibiya, iyagoo gacan siinayay Janaraal Khaliifa Xaftar oo ay xulafo yihiin.
Turkigana waxa uu guulo waaweyn ka gaadhay drones-ka la soo tabiyay in uu ku caawinayay Azerbaijan, markii ay dagaalka la galeen Armenia.
Muddo sannado ahna Mareykanku waxa uu weerarrada diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ku beegsanayay hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, kuwaasoo uu marar badan bartilmaameed ka dhigtay.