Dooorashadii Garbahaareey oo magaalo kale loo wareejiyay

doorasho soomaaliya

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey hadda loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

“Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragalahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga.

Guddiga ayaa sheegay in caqabadaha Amni ee ku hor gudban yihiin inay doorasho ku qabsoonto Garbahaareey islamarkaana maamulka Garbahaareey “ay diideen xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here