Fahad Yaasiin oo ka hadlay go’aankii ay maxkamaddu ka gaartay dacwaddii uu u gudbiyey

fahad yaasiin

Lataliyaha Amniga Qaranka Fahad Yasiin Xaaji Daahir oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in uu aqbalay go,aankii ay maxkamadda sare ka soo saartay dacwaddii kurisga HOP086 ee uu dhawaan maxkamadda u gudbiyey.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku yiri “markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soo saareen garsooreyaashu, waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka ka soo baxay maxkamadda sare, oo ah hay’adda ugu sarraysa ee garsoorka dalka, kaas oo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.”

Maxkamadda Sare ayaa maanta sheegtay in aanay sharci ahaan awood u halayn go;aan ka gaarista kiiskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here