Go’aanka Turkiga ee iibka guryaha ma saameynayaa Soomaalida?

turkey iyo somalia

Ajaanibta doonaya inay guryaha ka iibsadaan dalka Turkiga si ay u noqdaan muwaaddiniin Turki ah ayaa hadda laga doonayaa inay bixiyaan lacag badan, tallaabadan oo ku soo beegantay iyadoo iibka guryaha ajaaniibta ay iibsanayaan, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Ruushka iyo Ukraine uu sare u sii kacayo.

Lacagta dadka Ajaanibta ah laga rabo in ay ku bixiyaan hantida ma guurtada ah ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo $400,000 sida ay sheegtay warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa go’aan ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Turkiga. Waxaa sidoo kale dadka ajanaibta ah laga doonayaa inay guriga degganaadaan sadex sano si ay u qaataan baasaboorka Turkiga.

Ilaa 7,000 oo ajaanib ah ayaa ku helay dhalasho guryo ay ka iibsadeen Turkiga iyo maalgelin ay sameeyeen intii u dhaxaysay 2017 iyo 2020, sida ay dowladdu sheegtay.

Soomaalida ayaa ka mid ahayd dadka ajaanibta ah ee muddooyinkii ugu dambeeyay si wayn u maalgaliyay dalkaas Turkiga, gaar ahaan hantida ma guuratada ah sida guriyaha.

Sidee ayuu Soomaalida u saameynayaa?

Turkiga
Qoraalka sawirka,Beerta Isha Baydhaba-halka kulmisa Soomaalida Istanbul

Cabdifataax Sheekh Xuseen Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Ganacsatada Soomaalida Turkiga oo isagoo ku sugan magaalada Ankara BBC-da la hadlay ayaa sheegay in go’aankan dowladda ka soo baxay uusan ahayn mid cusub oo ilaa dhammaadkii sanadkii hore uu socday, waxaana sida uu sheegay go’aakan sababay hoos u dhaca ku yimid lacagta Liirada dalkaas.

“Si loo buuxiyo oo lacagta ay u noqoto mid qiimo leh, waxay dowladda Turkiga hindise ahaan u keeneen inay kordhiyaan qiimaha lagu maalgashanayo hantida ma guurtada ah ee lagu qaadanayo dhalashada, ugu dambeyn go’aankan ayaa soo baxay isbuucan aan ku jirno,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in magaalada ugu badan ee Soomaalida ay dalkaasi ka deggan yihiin ay tahay Ankara, oo uu sheegay inay ku nool yihiin qiyaastii 15,000 oo qof, una badan qoysas ka soo guuray dalalka dibadda. Magaalada labaad ee soo raacda ayuu ku sheegay Istanbul.

“Laakiin dadka hantida maguurtada dalka ka qaata meesha ugu badan ee ay ka qaataan waa magaalada Ankara,” ayuu intaas raaciyay. Sababta ay ku doorteen Ankara ayaa wuxuu Cabdifataax sheegay in Ankara ay tahay magaalo deegaan oo caasimadda dalka ah, isla markaana ay guryaheeda ka jaban yihiin kuwa magaalooyinka kale.

Cabdifataax ayaa sheegay in go’aanka cusub ee Tukriga ka soo baxay uusan saameyn weyn ku yeelaneyn Soomaalida, oo uu sheegay inaysan ahayn dad ujeedkoodau uu yahay in guryaha ay iibsanayaan a ku helaan dhalasho.

Soomaalida dalkaasi guryaha ka iibsata ayuu Cabdifataax sheegay inay u badan yihiin kuwo ka soo guuray dalalka Yurub iyo Mareykanka isla markaana heysta dhalashada dalalkaas.

“Waa dad u iibsanaya inay iyagu ku noolaadaan oo ay degaan, oo degganaansho ku qaataan iyaga iyo carruurtoodaba. Marka wax saameyn ah oo ay Soomaalida ku yeelan doonto ma jirto.” Ayuu yiri Cabdifataax.

Xukuumadda Ankara ayaa sharciga iibka guryaha ee dhalashada lagu qaadanayo soo saartay sanadkii 2017. Sanad kaddib waxay qiimaha ka dhigtay $250,000, halka markii hore uu ahaa $1 milyan, si ay u soo jiidato dadka ajaanibta ah ee guryaha iibsanaya.

Marka laga reebo hantida ma guurtada ah, dadka xaqa u leh dhalashada waxaa ka mid ah ajaanibta ay ka go’an tahay in ugu yaraan $500,000 ay ku maalgashadaan dalkaas.

Waxaa sidoo kale ka mid ah ajanaibta ay ay ka go’an tahay inay shaqaaleysiiyaan ugu yaraan 50 qof, kuwa ugu yaraan $500,000 ku keydsaday banki Turki ah ugu yaraan muddo saddex sano ah.

Iibka guryaha ee dadka ajaanibta ah – oo badankood ka soo jeeda dalalka Iiraan, Ciraaq, Ruushka iyo Afghanistan – ayaa jebiyay rikoor oo gaaray 58,576 guryo sanadkii 2021, sida lagu xusay xogta dowladda, waana koror 43.5% ah sanadkii. Sanadkii 2019 ilaa 45,483 guryo ah ayaa laga iibiyay ajaanibta.

Dadka u dhashay Ruushka iyo Ukraine ee ka soo qaxaya dagaalka ayaa ku soo qulqulaya Turkiga si ay ugu biiraan qoysaskooda halkaa deggan, halka qaar kalena ay guryo kireysteen amaba ay iibsadeen.

Ruushka ayaa duullaan ku qaaday Ukraine 24-kii Februay, taas oo sababtay in cunaqabateyn ay ku soo rogaan dalalka Galbeedka.

Guryaha laga iibsaday Turkiga oo sanadkan kordhay

Turkiga

Bishii March ee sanadkan 134,170 guryo ah ayaa laga iibsaday Turkiga. Iibka guryaha ayaa kordhay boqolkiiba 20.6 marka loo babardhigo bishii March 2021.

Sida ku xusan xogta uu soo saaray Machadka Turkish Statistical Institute (TUIK), iibka guryaha ee ugu badan ayaa laga sameeyay magaalada Istanbul iyadoo laga iibsaday 23,974 guryo ah. Ankara ayaa ku soo xigta oo laga iibsaday 12,609 guryo ah.

Ilaa 5,567 ka mid ah guryaha ayaa waxaa iibsaday dad ajaanib ah.

Bishii hore, muwaaddiniinta Iiraan ayaa 784 guryo ah ka iibsaday Turkiga. Kuwa Ciraaq ka soo jeeda ayaa iyaguna iibsaday 741.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here