Qoraal la soo dhigay bogga Facebook ee FEIT ayaa lagu sheegay in Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ay baaq u dirayaan xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ee ahaa in deegaan doorashada labaad ee Jubaland laga badelay Garbahaareey loona badelay degmada Ceelwaaq, go’aankaas oo ay guddiga soo saareen 13-kii bishan April.
Guddoonka ayaa isla war-saxafadeedka ku sheegay in xubin walba oo qaada tallaabadaas ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.”