Xildhibaannada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii u horreeyay tan iyo markii la dhaariyay.
Gudoomiyaha KMG BFS Maxamed Axmed Liibaan Dhabancad ayaa magaacabay 10-ka xubnood ee Guddiga soo qaban qaabin doona doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.
1- Cabdullaahi Rooble- kasoo jeeda Puntland (Daarood)
2- Mohamed Hussein Hadi- Kasoo jeeda Somaliland (Dir)
3- Cabdirisaaq Cumar- kasoo jeeda Hirshabeelle. (Hawiye)
4- Xuseen Maxamed Nuur- kasoo jeeda Galmudug (Hawiye)
5- Xaaji Cali Max’ed Nuur- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
6- Maxamed Abukar- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
7- Dahabo Suusow Maxamud- Kasoo jeeda Hirshabeelle (Beesha 5aad)
8- Qaasim Cilmi Seed- kasoo jeeda Galmudug (Daarood)
9- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad)
10- Nasro Mahdi Caraale- kasoo jeeda Jubbaland (DIR).