Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana goordhoweyd lagu kala baxay kursiga guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare.
Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna helay codad gaaraya 28 cod.
Cali Shacbaan ayaa doorashadaan kaga adkaaday Cabdixakiim Macalin Axmed oo kula tartamayay kursigaas, kaasi oo helay cod gaaraya 25 cod.
Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqa natiijada tartanka, waxaana xumaaday hal cod oo kaliya.
Sidoo kale waxaa goor sii horeysay ayadana lagu kala baxay doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare oo loolan adag loo galay, waxaana kusoo baxay Guddoomiye Cabdi Xaashi.
Sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi helay 28 cod, musharrax Saalax Axmed Jaamac ayaa isna helay 24 cod, halka wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu helay codad gaaraya 2 cod.