Xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda gudoomiye u doortay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Tartanka waxaa isugu soo haray Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed nuur Madoobe, waxaana guushu Sheekh Aadan Madoobe ku raacday 163 cod, halka Xasan Cabdi Nuur uu helay 89 cod.