GUUSHA CIRRO WAXAY SOO KORDHINAYSAA COLAAD, DHAQAN XUMO IYO AFXUMO

cabdiraxmaan cirro

Dad badan ayaa aaminsan in Guusha Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ay soo kordhinayso nabad iyo xasilooni, sidoo kalena uu ka fiicnaan doono Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi, fekerkaasi waa mid khaldan, dadkaasi waxay ilaaween 1991 xilligii Cabdiraxmaan Tuur, waxyaalihii foosha xumaa ee ay ku kaceen Beesha Garxejis iyo maamulkoodii.

Waxay dagaalo iyo weerar ku qaadeen beelihii iyo degaamadii kale, waxay weerareen Magaaladda Berbera oo ay ka geysteen dil, bililiqo iyo kufsiga aan u ahayn shucuubta waqooyi, waxay xasuuqeen dad shacab ah oo nabad u socda, waxay weerareen Haberjeclo, aakhirkii waa kuwii Hargeysa weeraray, ilaa lagula hadlay luqada ay fahmaan ee xabadda nabadgelyo lagama helin, maanta xil looma dhiibteene waxaa caawiyey dagaalka Khaatumo iyo Somaliland.

Hadda Iyadoo aanay Guushii Cabdiraxmaan Cirro 7 casho ka soo wareegin ayey weerar ku qaadeen dadkii shacabka ahaa ee reer SSC Khaatumo ee Ceerigaabo deganaa, waxay bilaabeen dhaqanxumadii caadada u ahayd ee bililiqada, afxumadooda waxay bilaabeen khaatumo waano soo celinaynaa iyo islaweyni khiyaali ku saleysan.

Waxaan Jamaahiirta Gobolka Sanaag iyo Ciidamadda geesiyada SSC Khaatumo ugu baaqayaa inay Ceerigaabo ka bilaabaan hawlgal deg deg ah oo Calanka Khaatumo laga taagayo Ceerigaabo qaybtiina, amaanka shacabkana la sugayo, isimkii ama maamulkii soo jeediya in gunimadda lagu sii jiro oo nabadgelyadda ku soo dhuunta waa Horgal cusub oo CADDE-GUDDE IYO CIRRO ka socda ee sharciga horgaladda hala waafajiyo.

Xusuusta hal-ku-dhigii RAXMO YAR EE AHAA (NAAG BAA XABADA RIDAY HALA YIRAADO EE ANIGAA BILAABAYA IYO COLAAD BAAN NAAS LA NUUGO U SAMEYNAYNAA), taaso dhashay sharafta iyo Maamulka SSC Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here