Ciidamada fallaagada Tigreega ayaa hadda gacanta sare ku leh dagaalkii sannad ka hor ka qarxay waqooyiga Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ay isku dhaceen xisbigii talada haya ee Tigray, sababo la xidhiidha isbedellada siyaasadeed ee uu sameeyay, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah – waa cabsi iyo hubanti la’aan ay wejahayso xaaladdii dalkasi
Markii ay ogaadeen in jabhaduhu ku sii siqayaan caasimadda, dawladdu waxay ka codsatay dadka deggan Addis Ababa inay is abaabulaan oo ay ilaashadaan xorriyadooda
Dagaalyahano ka soo jeeda Tigrayga oo ay ugu horreyso Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa qabsaday magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha dhamaadkii todobaadkan.
Waxay ku sugan yihiin gobolka Axmaarada oo deris la ah Tigray, waxayna caasimadda u jiraan qiyaastii 400km (250 mayl).
Dagaalka Dessie ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa midkii ugu xamaasadda badnaa ee dagaalkaas, iyadoo magaaladaas loo arko inay tahay albaabka laga galo Addis Ababa, dhanka koonfureed, iyo xuduudka Jabuuti ee dhanka bari.
Nin ka shaqeynayey isbitaalka weyn ee Dessie ka hor inta uusan dhicin ayaa sheegay in magaalada ay wax weyn iska bedeshay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay iyadoo dagaalo ay ka dhaceen gobolka.
Ninkan oo codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa BC-da u sheegay in Dessie loo yaqaanay “caasimadda jacaylka” sababtoo ah qowmiyadaha kala duwan iyo dhaqamada isku dhafan – oo ah xarun dhaqaale oo kobcaysa.
Laakiin dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, kumannaan qof ayaa ku sii qulqulayey, iyaga oo ka cararaya soo fiditaanka magaalada ee fallaagada.”Marka aan shaqada u socdo ama ka soo baxo, carruurta yaryar ayaa dhegi jirey lugaha ina qabsan jireysurwaalka waxayna iga baryi jireen lacag ay ku iibsadaan rooti.”
Isaga iyo in ka badan 10 ka mid ah asxaabtiisa ayaa isaga tagay isbitaalka markii ay arkeen askar ka tirsan dowladda oo magaalada ka baxaya.
Hadda wuxuu ku sugan yahay Addis Ababa halkaas oo Tewodrose Hailemariam, oo ah xubin sare oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ah ee Amxaarada (NaMA) uu ka wado abaabul bulsho si ay u soo diraan dagaalyahanno una joojiyaan horusocodka kooxdaas iyo sidoo kale qaybinta gargaarka dadka barakacay.
Waxa uu sheegay in xisbigiisu uu aaminsan yahay in kooxda TPLF ay tahay sababta dhabta ah ee waddaa tahay in ay dib ugu soo laabtaan xukunka.
Kooxda TPLF ayaa dalka hogaaminaysay 27 sano ilaa 2018-ka – waxa ay noqdeen garab ka go’an xukuumada Raysalwasaare Abiy.
“Laba doorasho ayaa jirta – ama kooxda TPLF waa laga adkaaday, dowladda dhexe ee Itoobiyana waa la bad-baadiyay, ama xaaladda ugu daran ayaa ah in TPLF ay xukunto oo ay maamusho Addis Ababa ka dibna uu dalka oo dhan ka dhici doono dagaal sokeeye,” ayuu yidhi Tewodrose oo BBC-da la hadlayey.
Dadka Tigreega ah ‘oo la ugaadhsanayo’
Dadka Tigreega ah ee ku sugan caasimadda, dhicitaankii Dessie ayaa kor u qaaday xiisadda qowmiyadeed ee magaalada.
Qareen u dhashay Tigrayga oo ku nool Addis Ababa ayaa sheegay in hadda aysan caasimaddu ahayn “magaaladii aan ku dhashay iyo meeshii aan ku soo koray”. Bilaysku waxa ay ururinayeen dadka Tigrayga ah waxaynau dhacayaan guryaha, kafateeriyada iyo baararka – iyo xitaa xilliyada hubinta aqoonsiga ee tagsida iyo basaska, ayaa ay sheegtay
Todobaadkan, ayaa BBC-da loo sheegay koox la soo qaaday xilli ay ku cashaynayeen maqaayad.
“Haddii aad Tigray tahay wax danbi ah in aad gasho uma baahnid, waa lagu xidhayaa, xadhigaas oo sabab u ah magac qoomiyad” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka.
Afhayeenka booliiska Addis Ababa ayaa sheegay in la xidhay kaliya kadib markii la helay cadeymo muujinaya falal sharci darro ah. Wuxuu xaqiijiyay in dadka la xidhay ay u badan yihiin dad u dhashay Tigreega, balse wuxuu sheegay in sidoo kale la xidhay xubno ka tirsan qowmiyadaha kale.
Fallaagada ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay in dowladda ay ku qasbaan in ay soo afjarto go’doominta ay ku hayso gobolka waqooyi ee Tigray, halkaas oo uu u baahan yahay gargaar, lagana jaray adeegyadii korontada iyo bangiyada.
Tan iyo bishii May, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 400,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul deegaankaas.
Kadib markii kooxda TPLF ay bishii June ciidankeeda ka saartay caasimada gobolka Tigray ee Mekelle, hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay wajaheen jidgooyo wadooyinka soo gala gobolka, halka xayiraadaha shidaalka iyo lacagta ay adkeeyeen in la keeno gurmad deg deg ah oo gaadhaya in ka badan shan milyan oo ah dadka baahan.
Tsadkan Gebretensae, oo hore u ahaa jeneraal ciidan iyo taliyaha sare ee ciidamada Tigrayga, ayaa sheegay in dagaalku uu ku dhow yahay in la soo afjaro, tallaabada xigtana ay noqon doonto wadahadal qaran, Abiy ka dib.
“Weligay kuma talagelin in aan ku xalino qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira si gaar ah, waxaan abuuri doonaa madal la isugu keeno dhammaan dhinacyada ay khuseyso, loogana tashado aayaha dalka,” ayuu u sheegay Telefishinka Tigrai.
Hanjabadaaha guuldarraystay
Booqasho uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya, guddoomiyaha guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, Peter Maurer uma suurtagelin in uu tago goobaha ay colaaduhu ka jiraan.
“Waqtigan xaadirka ah kama aragno iftiin dhammaadka waxa socda,” ayuu u sheegay BBC.
“Marka hore ee aan helno xal siyaasadeed oo naga soo saara colaadda, way fiicnaan doontaa – sababtoo ah yeynan nafteenna doqon ka dhigin, xitaa haddii colaaddu ay joogsato berri, weli waxaan haysanaa boqollaal kun oo qof oo barakacay iyo baahiyo aad u waaweyn.”
Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa dhamaantood ku baaqayay wadahadal.
Hanjabaadaha cunaqabataynta iyo xitaa ku dhawaaqistii Maraykanka ee ahaa in ay Itoobiya ka saarayaan heshiisyo ganacsi oo muhiim ah ayaa ku guul daraystay in ay wax ka beddalaan habka colaada.
William Davison, oo ah falanqeeye sare , ayaa qaba in ay ku jirto danta dowlada in ay muujiyaan tanaasulaad – soo afjarida caqabadaha taagan, helitaanka gargaarka iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah ee Tigrayga muhiim ay u noqonaysaa
Hase yeeshee, Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019-kii markii uu ugu dambeyntii soo afjaray dagaalkii uu kula jiray dalka ay deriska yihiin ee Eritrea, ayaan u muuqan mid huraya wax tanaasul ah.
Iyada oo Itoobiya ay u dabaaldageyso sanad guuradii koowaad ee dagaalka, ayaa 45-jirkan hogaamiyaha ah wuxuu sii waday inuu ku boorriyo dadka dalkiisa inay u jiheystaan jiidaha hore ee dagaalka.
“Waxaan ku aasi doonaa cadawgan dhiigeena iyo lafaheenna, waxaana mar kale sare u qaadi doonaa sharafta Itoobiya”.