IN TUUG TUUG DHALAY UU GARAAD GARAAD DHALAY WAX KA SHEEGO WAA CALAAMADAHA QIYAAMAHA

garaad jaamac garaad cali iyo boqor buurmadow

In Dunidu waqtigeedii soo dhow yahay waxaa kuu cadeynaya Calaamadaha cusub ee maalin soo baxayaa, todobaadkan waxaa dad badani la yaaban yahay BOQOR CISMAAN BUUR-MADOW oo Garaadka Guud ee SSC GARAAD JAAMAC GARAAD CALI oo ka mid ah dhaqanka Soomaali ugu faca weyn taariikhdiisa wax ka sheegaya, HADABA WAA KUMA BOQOR BUUR-MADOW?

BUUR-MADOW wuxuu ku raad-dhaqaajiyey degaanka Yeyle ee G, Sool oo uu maqaaxiyaha weelka u nadiifin jiray, burburkii Soomaaliya wuxuu bililiqaystay mid ka mid ah gaadiidkii Dawladdii Somaliya, wuxuu noqday jid gal isagoo afduubtay ganacsade lagu magacaabi jiray Juujuulle, aakhirkii Ina Cigaal baa lacag siiyey si uu Boqor u sheegto oo Beeshiisa u kala qaybiyo, illaa maanta dawlad kasta oo Somaliland ka dhalata dariiqa ayuu isku taagaa oo waa la xidhaa ama la masaafuriyaa isagoo ilaa maanta musaafuris ugu maqan, marka taariikhdiisii hore dib loo raaco meelna wanaag iyo tallo kama soo galo, halka Garaad Jaamac Garaad Cali uu tobonaan Awow ka soo jeedo Saldanad ku suntan tallo-qabeenimo, halgan xornimadda Soomaaliyeed, iyadoo Garaad Jaamac Aabihiina ka qaybqaatay xornimaddii 1960.

Waxaa nasiibdarro ah oo hoogay Isimadda iyo Maamulka SSC ee Buur-Madow habeen iyo maalin hogaanka u hayo, oo weliba ku faraxsan aflagaadada Garaadka Guud ee Umadda Soomaaliyeed Garaad Jaamac Garaad Cali, nabadda aad Buur Madow ka baryeysaan waxay imanaysaa marka Somaliland ama Isaaq la ogolaysiiyo inay Maamulka Khaatumo u arkaan labo maamul oo deris ah oo xuduudkooduna cad yahay, taasina walaalow iyo baryo ku imaanmayso dhiig baa loo shubay loona shubi doonaa ee leefleefka Buur-Madow iyo isku dir uu dhexdiina ka wado iska joojiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here