Taliyihii Ciidamada Lugta ee Uganda General Muhoozi Kainerugaba ayaa Isniintii qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in isaga iyo ciidankiisa ay labo toddobaad oo kaliya ku qaadan karto inay qabsadaan Nairobi.
Hase yeeshee, madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa raalligelin ka bixiyay qoraallada uu wiilkiisa soo dhigay Twitter-ka ee ku saabsan waddanka deriska la ah ee Kenya.
Haddaba, waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha ciidan ee Uganda iyo Kenya.
Kenya
Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.
Tirada guud ee shacabka Kenya waxay ka badan tahay 48 milyan.
Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 oo ruux, oo u dhigma 40.5%, oo shacabka guud ah.
Dad gaaraya 12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.
Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaarto heer ay ciidanka ku biiri karaan waa 848,370.
Tirada ciidanka milatariga Kenya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Kenya.
Awoodda Ciidanka Cirka – Kenya
Isku darka 150 diyaarad ayay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya. Tiradaas 17 ka tirsan diyaaradahaas ayaa ah nooca dagaalka.
Diyaaradahaas 20 waxay kala gudbiyaan saanadda milatari.
Tiro dhan 32 waa diyaaradaha tababarka.
Labo diyaarad waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah.
Diyaaradahaas 79 ka tirsan waa nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”.
Awoodda Ciidamada Dhulka – Kenya
Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin:
Taankiyada waa 76.
Gaadiidka gaashaaman waa 479.
Madaafiicda iskood isu haga tiro ahaan waa 30.
Madaafiicda la jiido waa 25.
Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido.
Awoodda Ciidamada Badda – Kenya
Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19 agab oo milateri.
Doonyo gaaraya 7 ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.
Kenya ma laha maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ee ka yar kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda muquurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baara.
Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Kenya
Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000.
Deynta dibadda waa $27,590,000,000.
Muhiimadda Juqraafi ahaan – Kenya
Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 580,367km.
Dhulka xeebta ku teedsan waa 536km.
Xudduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 3,457km.
Kenya ma laha marin-biyoodyo la isticmaali karo.
Awoodda Ciidamada Uganda
Uganda waxay kaalinta 92-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 142 dal.
Tirada guud ee shacabka Uganda waxay ka badan tahay 44 milyan.
Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 15,202,129 oo qof.
Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaarto heer ay ciidanka ku biiraan waa 894,243 oo qof.
Sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower, tirada ciidanka milatariga Uganda ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 47,000 oo askari.
Awoodda Ciidanka Cirka – Uganda
Isku darka 49 diyaarad ayay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Uganda.
Diyaaradahaas 10 waa nooca dagaalka.
Labo waxay kala gudbiyaan saanadda milatari.
Tiro dhan 12 waa diyaaradaha tababarka.
Halka 25 ay yihiin diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”.
Awoodda Ciidamada Dhulka – Uganda
Ciidamada dhulka Uganda waxay leeyihiin:
Taankiyo gaaraya 237.
Gawaarida gaashaaman waxaa lagu sheegay 1,056.
Madaafiicda iskood isu haga waa 6 xabbo.
Halka madaafiicda la jiido lagu sheego 26 xabbo.
Awoodda Ciidamada Badda – Uganda
Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Uganda waxaa lagu sheegay 8 agabka milateriga ah.
Uganda ma haysato doomo sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.
Uganda ma laha maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ee ka yar kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda muquurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baara.
FG: Uganda ma lahan wax bad ah.
Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Uganda
Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Uganda waa $934,250,000.
Deynta dibadda waa $13, 850,000.000.
Muhiimadda Juqraafi ahaan – Uganda
Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 241,038km.
Dhulka xadka ay Kenya la wadaagto 2,729km.
Xudduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 3,457km.