Guddiga doorashada heer maamul goboleed ee Puntland ayaa sheegay in doorashada 16 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ay Boosaaso ka dhici doonto 5-ta ilaa 6-da bishan March ee foodda nagusoo heysa.
Xilligaas inta ka horreysa ayaa lasii dhammeystiri doonaa howlaha kale ee ku saabsan u diyaar garowga doorashada iyo ansixinta murashaxiinta.
Inta u dhaxeysa 28-ka bishan oo ku beegan Isniinta ilaa 1-da bisha March waxa ay guddigi ku holanaan doonaan qabashada liiska guddiyada xulusta ergooyinka iyo tababarka guddiyada xulista.
Waxaa sidoo kale waqtigaas lagu fulin doonaa bixinta foomamka diiwaan-gelinta guddiyada iyo ergooyinka, sida lagu sheegay bayaan galabta lasoo saaray.
2-da bisha soo socota ayaa loo qoondeeyay soo gudbinta liiska ergooyinka doorashada iyo sidoo kale hubinta, diiwaangelinta iyo tababarista ergada.
Howlaha la qaban doono 3-da bisha ayaa ah: Dhammeystirka liiska ergooyinka doorashada, qabashada araajida musharraxiinta Golaha Shacabka iyo diiwaangelinta iyo hubinta buuxinta shuruudaha musharraxiinta.
4-ta bisha ayay guddigu sheegeen in la fulin doono shahaado siinta musharraxiinta buuxiyay shuruudaha musharraxnimo.
Labada maalmood ee ku xiga, oo kala ah 5-ta iyo 6-da bisha March ayaa la qaban doonaa doorashada 16-ka kursi ee harsan.