Madaxweynaha Ukriane, Volodymyr Zelensky, ayaa wacad ku maray in ciidamada dalkiisa ay sii wadi doonaan dagaalka, xilli militeriga Ruushka ee soo weeraray ay isku dayayaan inay soo jiiraan dhufeysyada laga difaacayo magaalada Kyiv.
Muuqaal gaaban oo internet-ka lagu shaaciyay ayuu madaxweyne Zelensky ku beeniyay warar la isla dhex marayay oo sheegayay in uu ka cararay caasimadda.
Waxa uu sheegay in dadka reer Ukraine ay wadi doonaan dagaalka ay ku difaacayaan waddankooda. Waxa uu sidoo kale shacabka Ukriane ku boorriyay in ay dhagaha ka fureystaan wararka marin habaabinta ah ee ay faafinayaan Ruushka.