Xabbad joojintii Itoobiya ay ku dhawaaqday todobaad ka hor si gargaarka loo gaarsiiyo gobolka Tigray ee waqooyiga ku yaal ayaa waxa ay abuurtay rajo ah in dagaalka sokeeye ee 17 bilood jirsaday ay suuragal tahay in la soo afjaro.
Gobolka oo gebi ahaanba go’doonsanaa bilooyin badan, ayaa malaayiin qof waxa ay si adag ugu baahan yihiin cunto iyo saadka asaasiga ah. Qof deggan caasimadda gobolka Tigray ee Maqale, taas oo ay maamusho fallaagada TPLF, ayaa waxaa u suuragashay inuu BBC-da u sheego sida halkaas loogu noolyahay.
Inaad heshid waxyaabaha asaasiga u ah in qofku uu maalin walba helo si uu u badbaado ayaa ah arrin aad u culus.
Ninkan oo dhalay laba carruur ah oo yaryar, ayaa sheegaya inuu aad uga walwalayo inuusan awoodin inuu qoyskiisa quudiyo. Taas ayaa qeyb ahaan sabab u ah in aanan awoodin in aan isticmaalo lacagta koontada bangiga iigu jirto maadaama dhammaan bangiyadii ay xiran yihiin.
Qaar badan oo inaga mid ah ayaa wajahaya dhibaatadan iyo lacag la’aanta.
Koontadayda ma aanan isticmaalin tan iyo bishii Juun ee sanadkii tagay marka waxaan lacag ka amaahdaa saaxiibaday iyo qaraabada halkan ku sugan si aan cunto ugu iibiyo qoyska.
Qaraabadeenna ku nool qurbaha ayaa sidoo kale doonayay inay na caawiyaan laakiin dhammaan khadadkii taleefannada iyo internet-kaba waa ay go’an yihiin oo suuragal ma ahan in arrintaas ay sameeyaan.
Waxaa kaaga sii daran qiimaha la kala siisto cuntada ayaa aad u sarreeya.
Cuntada gudaha ka soo baxda ee teff, qamadiga, barbarooniga iyo saliidda cuntada lagu karsado ayaa waxa ay noqonayaan kuwo aan la goyn karayn.
Sanad ka hor, 100kg ee teff ayaa waxaa lagu kala iibsan jiray $80 hasayeeshee haatan waxa lagu iibsadaa $146.
Dadka iibsan kara ayaa waxyar iibsanaya oo teff ah waxaana ay ku daraan galay ka raqiisan iyada iyo qamadi si ay u samaystaan canjeero, taas oo asaasi u ah cunta kasta oo halkan laga cuno.
Laakiin qaar badan ayaanan teff-ka gadan karinba.
Waxaa naloo sheegay inaan guryahayaga ku abuuranno khudrad arrintaasna waan ka shaqaynaynaa. Dhibaataduse waxa ay tahay sidii lagu heli lahaa biyo lagu waraabiyo.
Waxaannu soo iibsan jirnay fuusto biyo ah si aannu u isticmaalno todobaadka oo dhan, hasayeeshee haatan maba awoodno marka waxaannu haatan biyaha ka soo dhaansannaa ceelal dhaadheer.
Kabo iyo dhar cusub oo carruurta loo gado iyo in hilib la cuno ayaa waxa ay noqotay arrin aan la goyn karayn.
Biyo qasabadaysan iyo korontada ayaa ah kuwo xaddidan oo marna way yimaadaan marna way tagaan maalintiiba – mararka qaar maalmo ayaadan indhaba saarayn.
Dad badan ayaanan shaqayn inta badan dukaamada iyo goobaha ganacsiga ee Maqale waa ay xiran yihiin maadaama ay iska bixin waayeen kirada dukaamadooda ama yihiin badeeco la’aan.
Dadkuna waxa ay bilaabeen inay hantidooda iibiyaan sida gawaarida, alaabaha guryaha la dhigto iyo dahabka si ay cunto ugu iibsadaan. Alaabahaas oo dhanna waxa ay ku iibinayaan qiimo jaban.
Fargashi dahab ah oo mar la iibin jiray $64 ayaa waxaa la gadayaa $12. Gaari waagii hore la gadi jiray $16,000 ayaa haatan waxaa lagu kala iibsanayaa $7,000.
Dadka markii ay ka dhamaadaan wixii ay iibin lahaayeen ayey dawarsadaan oo waxaad waddooyinka ku arkaysaa dad badan oo tuugsanaya – oo intooda badan waa hooyooyin carruur wata.
Goobaha caafimaadka ayaa sidoo kale ku soo dhacay dawo la’aan. Dadka qaba xaaladaha culus ee caafimaad ayaa dhimanaya sababtoo ah ma jirto dawo ay cunaan. Dadka la nool HIV ayaa marmar hela dawooyinka ay cunaan.
Dabaaldegyada diinta iyo xafladaha arooska oo bulshada muhiim u ahaan jiray ayaa haatan noqday xusuus waa hore laga soo gudbay.
Markaan ka hadlo waxa aan maalinwalba sameeyo – ka hor inta aanan iskuullada dib loo furin waxaan seexan jiray xilli dambe.
Sababtoo ah waxaan habeenkii ku soo jeedi jiray daawashada iyo dhagaysiga wararka aan heli karo.
Haatan wax war ahba ma jiro, sababtoo ah ma haysto internet. Marka waxaan u tagaa dadka wax ku iibinaya wadada hareeraheeda oo waxaan duubaa muuqaallo iyo codad ku saabsan dhacdooyinka markaas dhaca oo aan midkiiba ku sii iibiyo $0.20.
Waqtiyada kalana waxaa akhriyaa buugaag, ama waxaan la sheekaystaa dariskayga.
Shidaalka lama goyn karo
Haatan wiilkayga waxa uu dib ugu laabtay iskuulka sidaas daraadeed masaafo dheer ayaan lugaynaa. Taleefankayga ayaa waxa uu ii sheegaa in aan maalintii qaado 9,000 ilaa 12,000 oo tallaabo.
Inta badan subaxyada waxaan lugeeyaa 2km si aan iskuulka u geeyo, markii qadada la gaarana xaaskayga ayaa lug ku raadiso.
Waagii hore gaari ayaan ku gayn jiray, hasayeeshee haatan gaarigii waxa uu in ka badan 18 bilood yaal bannaanka gurigayga sababtoo ah ma awoodo inaan shidaal ku shubo.
Shidaal waad heli kartaa laakiin waa suuq madow uun. Halkii litir ee shidaal ah waxa uu haatan kuugu kacayaa $10 halka dagaalka ka hor kaalmaha shidaalka loogaga iibsan jiray $0.42.
In taksi ama bajaaj aad qaadatid ayaanan meeshaba ku jirin oo markii aad bajaaj raacdidba waa inaad bixisaa $2.
Dad badan ayaa bilaabay inay baaskiil wadaan laakiin xitaa baaskiil wadidii ayaa noqotay mid iyana qaali ah.
Dadka halkan ku nool waxa ay doonayaan in colaadda lagu soo afjaro hab nabadeed waxaana ay aad ugu farxeen markii ay maqleen warka xabbad joojinta ee todobaadkii tagay.
Waxay aad uga dhursugayaan inay arkaan in gargaarka soo socday uu ballanqaad uun ahaa balse markii kolonyadii ugu horraysay ee gargaar sidday ay muddo bilo ah timid Jimcihii, waxa ay u muuqataa in xaaladdu ay isbadalayso.