Maxay tahay halista carruurta uga imaan karto agabka ay ciidda ku dheelaan?

pistol ciid

Maalinta barri ah waxaa la filayaa in dunida muslimka oo dhan looga dabbaal dego munaasabadda Ciiddul-Fidriga, iyadoo markasta oo munaasabadda ciidda la gaarana ay carruurta si wayn uga dhexmuuqdaan damaashaadda ciidda.

Agabka ay carruurta maalmaha ciidda ku ciyaaraan gaar ahaan bastooladaha iyo qoryaha ay baaruudda ka dhacdo oo qaar ka mid ah waalidiintu ubadka u iibiyaan ayaa la sheegayaa inay carruurtu kala kulmaan dhibatooyin caafimaad gaar ahanna dhinaca aragga oo ay waxyeello ka soo gaarto.

Dr Axmed Ismaaciil Cige oo ku takhasusay cudurrada indhaha kana howlgala magaalada Hargeysa ayaa BBC-da uga warbixiyay dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta waxyaabaha ay carruurta ku dheelaan xilliyada ciidda.

Wuxuu sheegay in qalabka qaar ay carruurta ku dheelaan ciidda uu waxyeelleyn u geysan karo indhaha.

“Waxyaabaha carruurta xilliyada ciidda ay ku ciyaaraan oo ay madadaalada ka dhigtaan, farxadda ka sokow waxaa ka dhalan kara dhibaato badan oo caafimaad oo xagga indhaha ah ayay keeni karaan, waxyaabo qarxaya ayaa jiraa, waxyaabo duulayo ayaa jiraa , wuxuu waxyeelaa isha, isha dhiig buu ku furaa, isha wey dilaaci kartaa, shabakadda hoose ee indhaha ayaa soo fuqi karaa”

Dr Axmed Cali wuxuu intaa ku daray in marar badan uu qaabilay carruur dhibaato kala kulantay qalabkan xitaa qaarkood ay adkaatay in wax laga qabto xaaladdooda.

“Mararka uu liito waxkaqabadka haddii dhibaatadu ay aad u culus tahay oo ay adkaato daweynta, xilliyada ciidaha waan aragnaa carruur bu’da hore ee isha jeexantay tan ugu badan ee aan aragno ayaa ah in qeybta hore ee isha uu dhiig ku furmay mararka waxaan aragnaa caadka uu dhaawacu keeno”

Dadweyne isugu jiro carruur iyo dad waaweyn oo ciidaya (Sawir hore)
Qoraalka sawirka,Dadweyne isugu jiro carruur iyo dad waaweyn oo ciidaya (Sawir hore)

Kaalinta waalidka

Dhulka Soomaalida waxaa maalmaha ciidda lagu arkaa carruur koox ah koox ah oo ku dheelaya qalabka sida bastooladaha caagga ah iyo qoryaha kuwaas oo haddba dhinac isku eryanayo.

Dr Axmed wuxuu ku taliyay inay jiraan qalab badan oo ay carruurta ku dheeli karaan kuwaas oo aan wax dhibaato ah u keeneyn balse waalidiinta looga baahan yahay inay ka fiirsadaan qalabka ay carruurtooda u soo iibinayaan.

“Waxyaabo badan oo ay ku ciyaari karaan baa jiraa sida qalabka codadka sameeya ay carruurta ku dheelaan, baabuuro yar yar oo iftiimaya iyo waxyaabo kale aan dhib u keeneyn carruurta, baarudda, qoryaha, waxyaabahaas in waalidiinta ay ka wacyigeliyaan carruurtooda oo aysan u iibin”

Wuxuu ugu baaqay ganacstada in aanay soo dejin qalabka ay carruurta ku dheelaan ee u geysan kara waxyeelleyn badan.

“Ganacsatada waxyaabo badan oo ay carruurta kaga farxin karaan baa jirta laakiin waa in ganacsatada aysan soo dejin waxyaabaha dhibaatada caafimaad ku reebi kara carruurteena sida baaruudaha, xabbadaha , bastooladaha iyo kuwa kimikada ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here