Magaalada Buuhoodle masaajid ku yaal ayaa looga duceeyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo uu haleelay fayraska Covid-19.
Masaajidkan oo lagu Rawda ayaa af-Turki iyo Af-Soomaaliba loogagu duceeyey madaxweynaha Turkiga.
Shiikh Maxamuud Yuusuf Faarax, waxa uu ahaa shuyuukhdii u ducaysay, isaga oo sheegay in sababta ku kalliftay tahay maadaama uu yahay madaxweyna islaam ah oo Soomaalidana aad u caawiya.
“Ducadaasi ducadii muslimiintu xaqa isugu lahayd ayay ahayd, wax kalena ugama aannu jeeddin. Ninkaas ayaannu ilaahay dartii ug ducaynay gaar ahaan waxtarka uu islaamka iyo Soomaalida uu la garab taagan yahay” ayuu yidi Shiikh Maxamuud oo BBC-da la hadlay.
Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii masjidku aad ugu farxeen arrintaas, isla mar ahaantiina ‘aammiintiina si wacan u xoojiyeen oo dadkii wax ku farxa oo na tahniyadeeya mooyee ma aannaan arag wax kale’.
“Soomaali ahaan, gacan qabadka uu Soomaalida siiyey wuu inooga duwan yahay madaxda kale ee caalamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey shiikh Maxamuud.
Madaxweyne Erdugan ayaa ka mid ah madaxda aadka loo jecel yahay deegaammada Soomaalida.
Toban sano kahor ayay ahayd, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya, arrintaasi waxa ay indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa karantiil ku jiray tan iyo Sabtidii ka dib markii uu ku dhacay cudurka ‘coronavirus’, Khamiistii hore, wakaaladda wararka ee Anadolu ee ay dowladdu leedahay ayaa ka soo xigatay arrintaas dhakhtarkiisa.Erdogan ayaa Sabtidii sheegay inuulaga baadhay oo laga helay cudurka loo yaqaan ‘Omicron ee ah nooca cusub ee coronavirus.”Baaritaanada PCR ee aan samaynay labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay soo noqdeen in laga waayey fayraskii,” dhakhtarka Erdogan Serkan Topaloglu ayaa laga soo xigtay gelinkii dabe ee shalay taas oo ka dhigan in uu ka ladnaaday xanuunkaas.
Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wayn oo dhanka dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo militariga.
Tirakoobyada ay hayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ganacsiga Turkiga uu ka sameeyay Soomaaliya wuxuu gaaray $187.3 milyan sanadka 2018 halka $250.85 milyan uu gaaray sanadka 2019, sida uu faafiyay wargeyska Daily Sabah ee Istanbul kasoo baxa.
Sannadkii 2020-kii, baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doolar, waxaana lagu qiyaasaa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaareen $100 milyan.
Maqaal uu qoray wariye David Gardner oo ay daabacday Jariiradda ‘Financial Times’ kal hore, ayaa lagu sheegay in uu yahay madaxweynaha loogu jecel yahay shucuubta carabta.
Maqaalka ayaa lagu xusaya in ra’yi ururin laga sameeyay wadamada Carabta lagu sheegay in Erdogan uu yahay “hogaamiye si aad ah looga yaqaanno” dunida Carabta.
Erdugan ayaa lagu tilmaamaa in horkacayo awoodda sii kordhaysa ee dalkiisa iyo saamaynta ay ku yeelanayaan guud ahaan dalalka Islaamka.
Haddaba waa kuma ninka hogaaminaya awoodda sii fideysa ee Turkiga?
Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda Magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul.
Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981.
Aabihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doomaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasimpasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada.
Dadka wali ku ganacsada wadada Kasimpasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan ganacsiyada ku yaalla xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xidhan dharka kubadda cagta lagu ciyaaro.
“Aad ayaan ugu faannaa,” ayay tiri Adnan Savas oo 45 sano jir, lana hadleysay wakaaladda wararka ee Reuters.
“Waxaad kasoo jeedi kartaa Kasimpasa, walina waxaad noqon kartaa ra’iisul wasaare ama madaxweyne, marka horumarka uu nolasha ka gaadhay waxay dhiiragellin u tahay caruurtu in ay dedaali karaan”.
Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda.
Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto.
Timothy Ash, oo ah khabiir arrimaha dhaqalaaha ayaa shegay in Turkiga uu yahay dal dhaqaale ahaan isku kalsoon.
“Turkiga dhaqaale ahaan waa uu isku kalsoon yahay oo kobac dhaqaale ayuu sameynayaa, gaar ahaan wax soo saraka gudaha oo aad u xoogan balse waxaa uu walaac ka taagan yahay dhanka awoodda iyo isku adkeynta,” ayuu yiri Timothy Ash.
Yasar Ayhan, oo madaxweyne Erdogan timaha u jari jiray, aabahiisna ay saaxiibo ahaayeen Erdogan ayaa sheegay in 16 sano uu yaqiinay Rajab Erdogan, waxbadanna uu ka badelay dhaqaalaha Turkiga.
“Markii aan dalka Sacuudiga u aaday Xaj, sanadkii 1998, ma jirin cid qaadaneysay lacagta halka milyan ee Lira ee Turkiga oo waxaan isku dayay in aan sarifto oo aan ku badesho lacagta Sacuudiga balse markii aan dalka sacuudiga dib ugu laabtay 2010-kii, boqolkii Lira waxaan ku badeshay 250 lacagta Sacuudiga, markaa ayaan ogaaday in hadda ay nolal ka jirto dalka Turkiga,” ayuu yiri Ayhan.
Inkastoo dadka dhaliila ay ku tilmaamaan “kelligii taliyaha dunida dimuqraadiga ah”, haddana waxaa Erdogan lagu tilmaamaa in uu waxbadan ka badelay muuqaalka dunida ka heysatay dalkiisa.
Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad’ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco.
Waxaa uu marar badan soo noqday ra’iisul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxweynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul.
Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay ra’iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taagnaa dunida.