Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo loo yaqaanno nabad doonka gobolka kuna guuleystay abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah wuxuu dagaalm dhiig badanuu ku daatay uu kula jiraa fallaagada TPLF.
Tani iyo marki uu xukunka dalka Itoobiya uu qabtay Abiy Axmed afar sano ayaa u buuxsantay.
Bilihi ugu horreeyey uu xilka Ra’isal wasaranimada qabtay wuxuu nabadeeyey dalkiisa iyo dalka Eritrea oo ay dhex taallay colaad gaamuurtay.
Haddaba afar sano ayaa Abiy Axmed u buuxsantay inti uu majaraha dalka Itoobiya qabtay muddadaasi waxbna waa u qabsoomeen wax badanna wuu ku fashilmay sida ay aaminsan yihiin dadka u dhuun daloola siyaasadda gobolka.
Dowladda Itoobiya dhankeeda waxay sheegeysaa afarta sano uu Abiy Axmed ra’isal wasaaraha ahaa iney wax badan dalka Itoobiya ka qabsoomeen, balse dhinaca kale waxaa jira dad ku doodaya afartaasi sano iney dalka Itoobiya ka dhaceen dhibaatooyin aad u badan uu ugu horreeya dagaalka ka qarxay waqooyiga dalka Itoobiya.
3-da April 2018
Mudaharaadyo ballaaran oo dalka Itoobiya in mudda ah ka socday kaddib afar sana ka hor xilligan oo kale mudaharaadyadaasi waxaa lagu soo afjaray xukunka inuu qabto Ra’isal wasaare Abiy Axmed.
Abiy Axmed marki xilka loo dhaariyey afar sana ka hor khudabaddi uu jeediyey wuxuu ku sheegay “Dadki mudaharaadyada naftooda ku wayey iyo hantidi ku buburtayba iney dalka Itoobiya u horseedayaan mustaqbal ifaya oo caddaalada iyo iscafin ku qotoma.”
Waxyaabihi uu Abiy ballan qaaday marka u xukunka qabtayna waxaa ka mid ahaa xisbiyada mucaaradka iney dalka si xor ah uga dhaqaaqayaan, doorasha xor ah uu qabanayo, dimuqraadiyad buuxda iyo xooriyatul qowlka inuu dhaqan gelinayo iyo caddaalad iney shacabku helayaan.
Ballanqaadyada uu oofiyey ee Abiy Axmed lagu ammaanayna waxaa ka mid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo dil ku xukunnaa inuu cafis ku sii daayey isaga oo u ballan qaaday masrax siyaasadeed oo tartan siyaasadeed oo hufan lagu meel marin karo inuu diyaarinayo.
Haddaba haddii aan si guud u guud marno waxyaabihi ugu waaweynaa ee dhacay afarta sano uu Abiy Axmed xilka hayey waxaa ka mid ah:
Dilka Hachaaluu iyo Xarigga ka dhashay
Fannaanki caanka ahaa ee ka soo jeeday qowmiyadda Oromada Hachaaluu Hundheesaa waxaa la dilay bishii Luulyo 2020-kii.
Marki la maqlay dilka fannaankaasina dalka Itoobiya gaar ahaanna deegaannka Oromada gees ka gees waxaa ka billowday mudaharaadyo rabshada wata oo ay dad badan ku dhinteen. Dadka mudaharaadaya oo si weyn uga carooday dilka loo geystay fannaan ay si weyn u jeclaayeen una arkayeen inuu qowmiyadaasi astaan u yahay.
Rabshadaha dilka Fannaanka ka dhashayna waxaa ku dhintay ugu yaraan 150 qof, halka magaalooyinka qaarna dab la qabadsiiyey ama la boobay xafiisyo, bangiyo, huteelo iyo dhismayaal ganacsi.
30-ka bisha June 2020 waxay dowladda xabsiga u taxaawday siyaasiyiin iyo shacab lala xiriiriyey iney rabshadaha ay dadka ku dhinteen ay ku lug lahaayeen.
Abiy inta uu xukunka dalka Itoobiya qabtay siyaasiyiinta dilka ku xukunnaa iyaga oo dalka ka maqan uu cafiska u fidiyey waxaa ka mid ahaa Jawar maxamed, Baqale Garbaa, Iskindir Negga, Birhanu Negga iyo kuwa kale.
Labada deegaan ee cusub
Afarta sano uu Abiy Axmed hoggaanka u hayey dalka Itoobiya qaab dhismeedka federaalka waxaa ku soo biiray laba dwlad deegaan oo cusub.
Deegaannada cusub oo ku yimid afti shacabka deegaannadaasi rabitaakooda looga qaaday iyaga oo horaan u hoos tagi jiray Deegaanka Shucuubta Koonfureed.
Labada deegaan ee cusubna ay kala yihiin Dowlad Deegaanka Sidaama iyo Dowlad Deegaanka Koonfur Galbeed.
Doorashada Guud iyo Covid-19
Doorashadi guud ee dalka Itoobiya oo lagu waday iney dalkaasi ka dhado bishii June 2020-kii waxaa dib loo dhigay ku dhawaad hal sano kaddib marki uu Ra’isal wasaaruhu marar badan sheegay doorashada iney dib u dhici karto.
Waxyaabaha uu dib u dhigista doorashada u sababeynayeyna ay ka mid ahayd cudurka safmarka iyo codsi dhanka guddiga doorashooyinka ka soo gaaray oo ay ku sheegeen iney u baahan yihiin wakhti ay ku diyaar garoobaan.
Ugu dambeyntina golayaasha baarlamaanka dalkaasi ayaa isku khilaafay, halka aqalka hoose uu dib u dhigidda oggolaaday aqalka sarana uu diiday.
Wixi intaa ka dambeeyeyna waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo maamulka deegaanka Tigraay.
Khilaafka oo sii xoogeystayna waxaa ka dhashay gacan ka hadal iyada oo xoogagga TPLF ay dagaal ku qaadeen saldhigga waqooyi ee ay ciidamada federaalku ku laaheeyeen caasimadda Tigraay ee Maqale.
Dagaalka Waqooyiga Itoobiya
Ra’isu wasaare Abiy Axmed xilligi la guddoonsiinayey abaarmarinta nabadda caalamiga ah ee Noble Peace Prize wuxuu sheegay dagaalku inuu yahay wax aad u xun dadkuna uu ka dhigayo naxariis laawayaal.
Hase yeeshee 16-ki bilood ee la soo dhaafay waqooyiga dalka Itoobiya dagal uu dhiig badan uu ku daatay wuxuu ku dhex marayaa ciidamada federaalka oo kaashanaya kuwa deegannada iyo xoogagga TPLF oo dhinac ah.
Afarta sana uu xukunka hayey Abiy Axmed 3-da bisha November 2020-ki waxaa marki ugu horreysay baarlamanka dalkaasi uu ururrada kala ah TPLF iyo OLA uu u aqoonsaday iney yihiin ururro argagaixso.
Xilliga baarlamaanka dalka Itoobiya go’aankaasi uu gaarayna uu ahaa xilli uu dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socda uu faraha ka baxay.
Doorashadi 2021-kii
Dalka Itoobiya doorashada 6-aad waxay ka qabsoontay sanadki tagay ee 2021-ka. Waxaana doorashadaasi aqlabiyad aad u weyn ugu guuleystay xisbiga talada dalkaasi hayey ee Barwaaqo (EPP).
Sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya 436 kursi oo ay doorashadoodu qabsoontay 410 ka mid ah inuu xisbigaasi ku guuleystay.
Doorashada 6-aad ee dalkaasi ka dhacday oo la filayey iney doorashada si weyn uga qayb qaataan ee deegaanka Oromada ka soo jeeda ee OLF iyo OFC waxay qaadaceen doorashada iyaga oo sheegay in doorashada gacan bidixeyn ay ku socoto.
Abaarti ugu adkeyd oo 40 sana kaddib dalkaasi ku dhufata
Sanadkan 2022-ka deegaannada Soomaalida, Oromada, Cafarta iyo Shucuubta Koonfureed waxaa ku dhufatay abaar saameysay malaayiin qof sida ay sheegeen hay’adaha samafalka ee dalkaasi ka howlgala.
Abaarta degaannadaasi ku dhufatay oo la sheegay tii ugu adkeyd oo muddo 40 sana ah deegannadaasi ku dhufatay waxay saameysay 7 malyan oo qof oo afartaasi deegaan ku nool.
Wakiilka UNICEF ee dalka Itoobiya Jiyanfranco Rotigliyano wuxuu BBC u sheegay 7 malyan oo qof oo ay abaartu saameysay iney u baahdeen gargaar bani aadanimo oo degdeg ah.
Wakiilka wuxuu intaasi ku daray dadkaasi malaayiinta ah gargaarka ay u baahan yihiin ka sokoow iney ka barakaceen deegaannada ay ku noolaayeen.
Isku dhacyada iyo barakaca
Abiy Axmed tani iyo marka uu talada dalka Itoobiya qabtay dhibaatooyinka dalka Itoobiya ka dhacday ee cid weliba u muuqata waxaa ka mid ah isku dhacyada qowmiyadaha dalkaasi dhexmaray oo ay dad badan ku dhinteen qaar kalana ku barakaceen.
Deegaannada ay isku dhacayada qowmiyad salka ku hayo ka dhaceenna waxaa ka mid ah gobollo deegaanka oromada ka tirsan oo galbeedka deegaankaasi ku yaalla, Benishangul , Amxaarada, Cafarta iyo Soomaalida.
Iskudhacyadasi ayaana ka mid ahaa waxyaabaha lagu dhaliilay maamulka Abiy, waxaana loo soo jeediyey maamulkiisu inuu sugi waayey amniga muwaddiniinta dalkaasi.
Waxyaabaha kale ee afarta sana uu Abiy Axmed xilka hayey dhacay waxaa ka mid ah arrimo la xiriiro dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
Hase yeeshee dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socda ee ka soo billaawday deegaanka Tigraay marki dambana ku fiday deegaannada Amxaarada iyo Cafarta ayaa ahaa imtixaanki ugu adkaa uu Abiy Axmed la kulmay afarta sano u xilka hayey.
Dagaalkan Waqooyiga Itoobiya ee saameynta badan geystay in la joojiyo dowladda iney diyaar u tahay ayey marar badan sheegtay, waxaana jiro shaqsiyaad iyo dowlado dhinacyada u kala dab qaadaya oo ku howlan sidi dagaalkaasi xal nabadeed loogu soo afjari lahaa.
Balse natiijada dadaalladaasi ka soo baxda wakhtiyada soo socda la ogaandoono.