Sida laga soo xigatay waaxda gaashaandhiga ee Mareykanka,Ruushka ayaa qaadanaya dhalinyaro Suuriyaan ah oo xirfad u leh dagaalka, si ay ugu adeegsadaan dagaalka Ukraine iyadoo duullaanka Ruushka uu qarka u saaran yahay inuu ku sii fido magaalooyinka waawayn ee dalka.
sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka qiimeyn Mareykan ah ayaa muujineysa in Ruushka oo ka howlgalayay gudaha Suuriya tan iyo 2015, uu maalmihii la soo dhaafay uu halkaas ka qorayay dagaalyahanno, iyagoo rajeynaya in khibraddooda dagaalka magaalooyinka ay gacan ka geysan karto in Kyiv ay la wareegaan oo ay xakunka ka tuuraan Zelenesky.
Khuburada ayaa tilmaamay in talaabadaan ay sii xumayn karto dagaalka Ukraine.