Cilmi-baadhis cusub ayaa daahfurtay in dumarka naaska nuujiya ay aad ugu yar yihiin inay ku dhacaan cudurrada wadnaha, dhiig-furanka, ama ay u dhintaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, marka loo eego haweenka aan samaynin.
Saynis yahano ku sugan Austria – oo eegay xogta in ka badan hal milyan oo hooyooyin ah – ayaa sheegay in naasnuujinta laba iyo toban bilood ama ka badan ay yarayso khatarta ah in ay ku dhacaan cudurradan.
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in daraasadihii hore ay ahaayeen kuwo aan waafaqsanayn xidhiidhka ka dhexeeya muddada kala duwan ee naas-nuujinta iyo khatarta cudurada wadnaha. Naasnuujinta sidoo kale waxaa lala xiriiriyay faa’iidooyinka kale ee caafimaadka hooyada, oo ay ku jiraan khatarta hoose ee sonkorowga, kansarka ugxan-sidaha iyo kansarka naasaha.
Baadhayaashu waxay dib u eegeen macluumaadka caafimaadka ee 8 daraasadood oo laga sameeyay 1986 ilaa 2009 dalalka Australia, China, Japan, Norway, iyo Maraykanka, iyo sidoo kale daraasado kale oo caalami ah.
Dib u eegista ayaa waxaa ku jiray diiwaannada caafimaadka ee ku dhawaad 1.2 milyan oo haween ah, kuwaas oo celcelis ahaan da’doodu ahayd 25 sano dhalashadii ugu horreysay waxaana lagu falanqeeyay xidhiidhka ka dhexeeya naasnuujinta iyo khatarta hooyada ee si shakhsi ahaaneed ee wadnaha.
Waxay ogaadeen in qiyaastii 82% haweenku ay sheegeen in ay naas nuujin sameeyeen wakhti noloshooda ka mid ah. Marka la barbar dhigo dumarka aan weligood naaska nuujin, dumarka soo sheegay in ay sameeyaan naas nuujin intii ay noolaayeen waxaa 11% hoos u dhacay khatarta ah inay ku dhacaan CVD.
Celcelis ahaan muddada dabagalka ah ee 10 sano ah, haweenka naaska nuujiyey wakhti noloshooda ka mid ah waxay ahaayeen ku dhawaad 17% inay yar tahay inay u dhintaan CVD, ku dhawaad 14% ayay u dhowdahay inay qaadaan cudurrada wadnaha, iyo ku dhawaad 12% ay yar tahay inay u dhintaan istaroogga.
Haweenka naaska jaqsiiyay 12 bilood ama ka badan inta ay nool yihiin ubadkooda waxay u muuqdeen kuwo aad ugu dhow inay qaadaan CVD marka loo eego dumarka aan naaska nuujin, marka loo eego xogtii hore loo hayn jirey.
Ma jirin kala duwanaansho muuqda oo ku saabsan khatarta CVD ee haweenka da’doodu kala duwan tahay ama marka loo eego tirada inta jeer ay uur qaadeen.
Naas nuujinta waxay yareysaa halista ah in canugga uu ku dhoco:
- Shuban iyo matag
- Cudurada feeraha iyo dhegaha
- In uu si xad dhaaf ah u cayilo
- Nooca labaad ee xanuunka Macaanka, ka dib marka uu waynaado
- Korriimo xumada canuga
- Cambaarta
- Wadna xanuunka qaangaarka ka dib
Xigasho: NHS
Dadka qaar ayaa u arka in naas-nuujinta ay dhibaato badantahay balse taasi run ma’ahan.
Haddii aad qaadatid go’aan ah in aadan naas-nuujinin ilmahaaga, taas kaama dhigayso hooyo xun.
Mid ka mid ah cilmi baarayaasha, Mary Renfrew, oo ka socota jaamacadda Dundee, ayaa sheegtay: “Aad ayey u adag tahay in dumarka ay caruurta nuujiyaan ayagoon haysan qoys iyo bulsho adag oo taageeraya, taasina waxaa ugu wacan caqabadaha bulshada haysta.”