Ninka Muslimka ah ee loo yaqaanno “Askariga daacadda u ah Putin”

chechnya leader Ramzan Kadyrov

Hoggaamiyaha gobolka Chechnya, Ramzan Kadyrov, waxa uu 25-kii bishii February ku dhawaaqay in dagaalyahannada Chechen-ka ee isaga daacadda u ah ay ka barbar dagaallamayaan militeriga Ruushka ee gudaha u galay Ukraine.

Ninkan oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Vladimir Putin ayaa lagu tilmaamaa nin daacad u ah xukuumadda Moscow, ama “askariga daacadda u ah Putin”.

“Madaxweynaha Ruushku waxa uu qaatay go’aan sax ah, annaguna amarkiisa ayaan fulineynaa,” ayuu ku yidhi khudbad uu ku dagaal gelinayay ciidamadiisa.

Waxa uu muujiyay in uu la dhacsan yahay tallaabada uu Putin weerarka ugu qaaday dalka Ukraine, oo waddamada Reer Glabeedku ay ku tilmaameen xad gudub lagu qabsanayo dal xor ah.

Lama caddeynin tirada ciidamada Chechnya ee uu Ramzan u diray dagaalka ka socda Ukraine, balse wararka ay qaar ka mid ah warbaahintu tebinayaan ayaa sheegaya in ay kor u dhaafayaan ilaa 10,000 oo dagaalyahan.

Dowladda Ruushka ayaa maalin ka hor xaqiijisay in khasaare la gaadhsiiyay ciidankeeda gudaha u galay Ukraine, oo laga dilay qiyaastii 500 oo askari, balse Kadyrov waxa uu sheegay in ciidamadiisa ilaa hadda laga dilay labo askari oo kaliya. Hase ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in tirada ka dhimatay ay intaas aad uga badan tahay.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ay baabi’isay cutub ka tirsan dagaalyahannada Chechnya oo gaadhay magaalada caasimadda ah ee Kyiv, iyagoo ujeeddadoodu ay ahayd in ay dilaan madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky.

Nin aad looga baqo

Kadyrov waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay ragga aad looga cabsado ee dalka Ruushka, waxa uuna saameyn awood badan ku leeyahay dowladda federaalka ee Ruushka.

Waa gacanta birta ah ee ay madaxtooyada Kremlin u adeegsato sugidda amniga iyo ilaalinta xasiloonida gobolka dhinaca Waqooyi ku yaalla ee ismaamulka Caucasian. Howshaas waxa uu hayay in ka badan 10 sano.

Ismaamul goboleedka Chechen ayaa noqday mid hoggaankiisa aysan cidna loollan ku galin karin Kadyrov, oo u muuqda meel uu si gaar ah u leeyahay.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa Mr Kadyrov ku eedeeyay in uu geystay tacaddiyo isugu jira jirdil, maxkamadeyn iyo dhibaatooyin kale oo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay.

Dadka isaga kasoo horjeedana waxa ay ku eedeeyaan inuu geystay dilal badan oo qorsheysan, oo qaarkood ay ka dhaceen gudaha Yurub, balse Kadyrov dhankiisa wuu beeniyay in uu ku lug leeyahay falalkaas.

Sida uu daacadda ugu yahay Madaxtooyada Kremlin

Kadyrov waxa uu horay taageero ugu muujiyay fallaagada taabacsan Putin ee ka dagaallama bariga Ukraine iyo gobolka ay Ruushku goosteen ee Crimea.

Waxa uu ka mid yahay dadka ku dhow Putin ee ay saameyseysay cunaqabateynta ay kusoo rogeen dalalka Midowga Yurub iyo Mareykanka.

XIGASHADA SAWIRKA,AFPQoraalka sawirka,

Madaxweyne Putin wuxuu ku xisaabtamaa Kadyrov si awoodda dowladda Ruushka loo geeyo Chechnya

Sanadkii 2020-kii, shirkadda Instagram ayaa Kadyrov ka xirtay ciwaankii uu ku lahaa, kaasoo ay ku taxnaayeen in ka badan 1 milyan oo ruux. Tallaabadaasi waxa ay qayb ka ahayd cunaqabateynnada ay kusoo rogeen Mareykanku.

Facebook ayaa ciwaankiisii ka xirtay 2017-kii.

Si la mid ah Putin, Kadyrov isaguna waxa uu jecel yahay in meel walba laga arko. Waxa uu xiiseeyaa in la arko isagoo hubeysan, sidoo kalena waxa uu taageeraa tartammada lagdinta.

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah

Sanadkii 2017-kii, Putin ayaa u magacaabay in uu noqdo madaxweynaha maamul goboleedka Chechnya.

Isaga aabihiis, Akhmad Kadyrov, oo madaxweyne loogu doortay doorasho lagu shubtay oo dhacday 2003-dii, ayaa dhowr bilood kaddib lagu dilay weerar bambo ah.

Kadyrov waxa uu leeyahay ciidan u gaar ah oo aad looga cabsado, kuwaasoo lagu magacaabo “Kadyrovtsy”.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa maleyshiyadaas ku eedeysay in ay falal isugu jira jirdil, afduub, iyo dilal qorsheysan ka geysteen gobolka Chechnya, oo ah gobol ay ku badan yihiin Muslimiinta oo ismaamul yeeshay 1990-meeyadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here