Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray liiska musharrixiinta u tartamaysa16ka kursi ee taalla Boosaaso.
16-ka Kursi ayaa doorashadooda la kala qabanayaa 5-ta ilaa 6-da Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ee Beri ah iyo Maalinta xigta ee Axadda, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.
1: Hopp#273 oo uu ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi Yare) balse waxaa ku tartami doona Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud & Sahra Maxamed Maxamuud.
2: Hopp#157 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaase ku tartamaya Maxamed Axmed Aadan & Iidle Cali Axmed.
3: Hopp#228 Maxamuud Axmed Ciise Maas, waxaana kursigaan ku tartami doonaa Cabdulaahi Faarax Mire iyo Xamdi Cabdullaahi Maxamed
4: Hopp#234 waxaa ku fadhisa Deeqo Saciid Xasan oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doonaMaraa Cabdiyo Bashiir Xaaji Cali &Â Aamino Cabduweli Maxamed.
5: Hopp#076 waxaa ku fadhiya Muuse Axmed Ismaaciil, waxaana markale ku tartami doona Muuse Axmed Ismaaciil iyo Faadumo Ibraahim Ismaaciil.
6: Hopp#227 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (QAMBI) oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Muno Cali Mire Cartan.
7: Hopp#158 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Ceysane) oo meesha laga saaray, waxaana ku taratamaya Saadaam Maxamuud Cabdi & Muno Maxamuud Dalmar.
8: Hopp#083 ayaa waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Bille Nuur, balse ay ku tartami doonaan Maxamed Bashiir Cali & Aamino Maxamed Ciise.
9: Hopp#169 waxaa ku fadhiya Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartamaya Cali Mahdi Maxamed Cali & Xafsa Cali Axmed.
10: Hopp#036 ayaa waxaa ku fadhiya Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartami doona Maxamed Aadan Diini & Faa’iso Jaamac Muuse.
11: Hopp#149 oo uu ku fadhiyo Axmed Ismaaciil Maxamed ayaa waxaa ku tartami doona Feysal Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Cabdixakiin Maxamed.
12: Hopp#222 oo uu hadda ku fadhiyo Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa waxaa ku tartami doona Ceynaanshe Yuusuf Xuseen oo maalmo ka hor iska casilay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland & Rowdo Yaasiin Yuuusuf.
13: Hopp#027 waxaa ku fadhiya Wasiirka Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartami doona Saciid Cali Muuse iyo Cabduqaadir Jaamac Xasan.
14: Hopp#220 oo uuku fadhiyo Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi, balse ay ku tartami doonaan Cali Xaaji Daahir Saleymaan & Axmed Burhaan Cumar.
15: Hopp#190 waxaa ku fadhiya Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse, waxaase ku tartami doona Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Fatxi Cali Saalax Maxamuud.
16: Hopp#142 waxaa ku fadhiyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo tartanka laga reebay, waxana ku tartami doona Ismaaciil Shire Jaamac Cali & Saciid Maxamuud Maxamed.
Kuraasta Maanta Puntland ay soo saartay magacyada musharrixiinta ku tartameysa qaarkood ayaa waxaa laga reebay Xildhibaano dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay.