Ra’iisul Wasaare Kheyre “Rajada Shacabka Galmudug Waa Midnimo Iyo Horumar”

rw Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada dhammaan deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.

“Waxaan dhammaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in rajada shacabka Galmudug ay tahay deegaan nabdoon oo horumarsan, qeybna ka qaata horumarka dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii wado dib-u-heshiisiinta.”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira dhammaan deegaannada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalintii Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here