Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku jira isbahaysiga NATO ayaa isbuucii lasoo dhaafay kulan ku yeeshay magaalada Brussels ee dalka Belgium. Waxaa halkaas go’aan looga gaadhay heerka la gaarsiin karo caawinaadda militeri ee Nato ay u fidiso Ukraine.
Caqabadda ugu wayn ee isbahaysiga Nato ku hor taalla dagaalka Ruushka iyo Ukraine waa sidii ay hub ku filan ku gaarsiin lahaayeen Ukraine oo ay taageersan yihiin – iyagoo aan si toos ah ugu biirin dagaalka ka dhanka ah Ruushka.
Inta uu socday dagaalka, dowladda Ukraine waxa ay si joogto ah Nato uga codsanaysay in ay ka caawiyaan dagaalka.
Mas’uuliyiinta Ukraine waxa ay sheegeen in ay si deg deg ah ugu baahan yihiin hubka Reer Galbeedka si ay ugu hakiyaan gulufka Ruushka uu kasoo wado gobolka dhinaca bari xiga ee Donbass.
Hubka ay sida gaarka ah ugu baahan yihiin waxaa ka mid ah gantaallada casriga ah ee lidka taangiyada ee magacooda loo soo gaabiyo NLAW iyo gantaallada lidka diyaaradaha.
Ciidamada Ukraine durba waa la gaarsiiyay hubkaas, waxayna u adeegsanayaan dagalaka ay kula jiraan militeriga Ruushka ee kusoo duulay dalkooda, balse wali waxay u baahan yihiin hub dheeri ah.
Waxay dalbadeen diyaaradaha dagaalka iyo hubka difaaca hawada, sidoo kalena waxay doonayaan in Nato ay hawada kusoo rogto xayiraadda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha.
Ruushkuna dhankiisa waxa uu dhaawac xoog leh u gaystay xarumaha kaydka hubka iyo shidaalka ee Ukraine.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Vladimir Putin ayaa eedeymo kulul u jeedisay Reer Galbeedka, waxayna kasoo hor jeedsatay in Nato lagu fidiyo Bariga Yurub.
Waxyaabaha Nato ku riixi kara dagaalka
Su’aal ay dad badan iswaydiinayaan ayaa ah “Maxaa Nato ka hor taagan dagaalka?”
Jawaabta oo sahlan waa in ay ka cabsanayaan Dagaal wayn oo qarxa.
Hoggaamiyeyaasha dalalka Reer Galbeedku waxay ka cabsanayaan in Ruushka uu Ukraine u adeegsado hubka nuclear-ka ee ridada gaaban, ama in Dagaalka Ukraine uu noqdo mid aad u wayn oo ku faafa Yurub oo dhan.
Saddex arrimood ayaa sabab u noqon kara in Nato ay si toos ah ugu biirto dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
1- In diyaarado dagaal la siiyo Ukraine
Ilaa hadda, in ka badan 30 waddan oo Reer Galbeed ah ayaa gargaar militeri siiyay Ukrainne.
Caawinaaddaas waxay ku kacday dhaqaale dhan 1 bilyan oo euro oo uu Midowga Yurub ku bixiyay Ukraine iyo 1.7 bilyan oo doolar oo uu Mareykanku bixiyay.
Hase yeeshee, lacagtaas ilaa hadda waxay ku kooban tahay hubka.
Hubka ugu badan ee militeriga Ukraine la siiyay waxaa ka mid ah gantaallada loo yaqaanno “Stinger” oo ah kuwo ay askartu xambaari karaan. Horay waxaa loogu adeegsaday in lagu soo rido diyaaradaha Ruushka markii uu socday dagaalkii Soviet-ka iyo Afghanistan.
Tan iyo markii uu dagaalka billowday waxaa qulqulayay hubka la siinayay Ukraine. Laakiin ilaa hadda waxaa laga gaabsanayaa in diyaaradaha dagaalka ay qayb ka noqdaan caawinaaddan, taasoo Ukraine ay aad dalbanaysay.
Dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa ka cabsi qaba in haddii Ukraine lagu caawinayo taangiyo iyo diyaarado dagaal ay taasi ka dhignaan doonto tallaabo ay Nato toos ugu biirtay dagaalka.
Sidaasoo ay tahayna, dalka Czech Republic oo xubin ka ah Nato ayaa dhawaan Ukraine u diray taangiyada T-72. Waa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan isbahaysiga Reer Galbeedka oo taangiyo u dira Ukraine.
Slovakia ayaa dhankeeda diraysa gantaallada difaaca hawada ee S300. Markii uu dagaalkan billaabanayay, tallaabooyinka noocan ah waxay ahaayeen kuwo u muuqda in ay sababi karaan halis aan lagu fakari karin.
2- In Ruushku uu adeegsado nuclear
Arrin kale oo soo dedejin karta in Nato ay dagaalka Ukraine ku biirto ayaa ah adeegsiga hubka nuclear-ka ee meelaha dhow lagu koobo, kaasoo afka qalaad lagu dhaho “tactical nuclear weapon (TNW)”
Markii uu dagaalku billowday, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in waddankiisu uu qani ku yahay hubka nuclear-ka, waxa uuna amar ku bixiyay in heegan la geliyo gantaallada nuclear-ka.
Mareykanku wax jawaab ah kama uusan bixinin arrintaas. Sirdoonka Mareykanka ayaa aaminsan in ilaa hadda uusan Ruushku uusan lasoo bixin gantaallada nuclear-ka ee dhulka hoostiisa ugu xaraysan.
Militeriga Ruushka waxaa u yaalla qorshe dhigaya in marka ugu horraysa la adeegsado gantaallada nuclear-ka ee riddada gaaban, meelaha dhowna lagu ekeeyo.
Balse Moscow waxay ka war qabtaa in isticmaalka nuclear-ka aad looga neceb yahay dhinaca Reer Galbeedka, lamana adeegsanin hubkan muddo 77 sano gudahood ah.
Nato ayaa walaac ka qabta in adeegsiga hubka nuclear-ka uu sababi doono khasaare wayn. Xitaa haddii uu khasaaruhu ku ekaado gudaha Ukraine iyo goobaha dagaalka, waxaa kordhaysa halista ku aaddan in uu qarxo dagaal wayn oo nuclear la isticmaalo oo dhex mara Reer Galbeedka iyo Ruushka.
Xildhibaan Tobias Ellwood, oo ah madaxa guddiga Difaaca ee Baarlamaanka UK ayaa sheegay in Nato looga baahan yahay inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku caawinayaan Ukraine halkii ay ka baqi lahaayeen weerar nuclear ah.
“Waan ka taxaddarnaa hubka aan doonayno inaan bixinno. Waa inuu fikirkeennu sidaas ka awood badnaado. Dadka reer Ukraine waxaan siinnaa oo kaliya wax ay ku noolaadaan, ma siinno wax ay dagaalka ugu guulaystaan,” ayuu yidhi Ellwood.
3- In dagaalku uu ku fido Yurub
Cabsi la qabay ilaa markii uu dagaalka billowday ayaa ah in uu ku fido qaybo kale oo ka mid ah Yurub. Ilaa hadda Yurub waxaa gaadhay dadka qaxootiga ah ee ka cararay dagaalka Ukraine.
Su’aal taagan oo cid walba iswaydiinayso ayaa ah “Sidee ayuu dagaalka Ukraine ugu fidi karaa Yurub guud ahaan, taasoo keeneysa in ay Nato ku biirto?”
Waxaa jira arrimo badan oo shaki la’aan dhibaato ku haya Wasiirrada Difaaca ee Dalalka Reer Galbeedka.
Waxaa ka mid ah saddexdan qodob oo sababi kara in dagaalkan uu ku faafo Yurub.
1- Ukraine oo gantaal lidka maraakiibta ah oo laga riday magaalo xeebeedka Odesa ku weerarta markab dagaal oo uu Ruushku leeyahay oo ku sugan Badda Madow, halkaasoo ay ku dhiman karaan ilaa boqol badmaaxe iyo tobannaan ciidamada badda ah.
Dhimashada tiradaas gaarta oo hal weerar ku imaata waxay sababi kartaa in Putin oo cadaadis uu saaran yahay uu qaado tallaabo aargoosi ah oo saamaynteeda aan la qiyaasi karin.
2- Gantaallo lagu bartilmaameedsado kolonyada hubka caawinaadda ah u wada Ukraine ee kasoo gudbaya dalalka xubnaha ka ah Nato, sida Poland iyo Slovakia.
Haddii dad u dhashay waddan ka tirsan Nato lagu dilo weerar, waxaa la hirgelinayaa qodobka 5-aad ee dastuurka u yaalla isbahaysiga Nato oo dhigaya in haddii hal waddan la weeraro ay dhammaan waddamada kale u hiilliyaan, taasoo keeneysa in Nato ay toos u gasho dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
3- Haddii dagaalka ka socda gobolka Donbass uu sababo in qarax weyn uu ka dhasho mid ka mid ah warshadaha hubka, sidaasna ay sunta kiimikada ku faafto.
Arrintan horay way u dhacday balse cidna kuma dhimanin kiimikada.
Hase yeeshee haddii kiimiko noocaas ah ay sababto dhimasho, sida mar horeba ka dhacday dalka Suuriya, waxaa khasab noqonaysa in Nato ay arrinta soo farageliso.
Waxaase laga yaabaa in dhammaan saddexdaas arrimoodba aysan dhicin.