Mas’uuliyiin u hadlay Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay weerareen xaruntii ugu weyneed ee korontada laga dhaliyo nuclear ka ee Ukraine, saacado uun kadib markii uu dab ka dhashay duqaymo lagu garaacay goobta.
Mas’uuliyinta ayaa sheegay in dabka ka kacay Warshadda Zaporizhzhia uusan saameyn dhismayaashii waawaynaa ee xarunta, haatanna gacanta lagu hayo.
Ma jiro wax saadaalin ah oo tilmaamaysa heerka kor ukaca shucaaca ka dhashay goobta.
Hay’adda caalamiga ah ee tamarta nuclear ka ayaa walaac ka muujisay xaalka.