Garaad Jaamac Garaad Cali Garaadka Guud ee SSC oo ay weheliyaan qaar ka mid ah isimada SSC ayaa qaabiley oo soo dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Gobolka OHIO ee Maraykanka iyo Dowlada Puntland ayaa soo gaadhey magalaada Laascaanood.
Garaadka ayaa kulan is xogwaraysi ah la yeeshey masuuliyiintan oo la dareen ahaa dadka SSC oo halgan adag kula jirey cadowga Somaliland oo Laascaanood duulaan ku ahaa.
Sidoo kale, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa hadhimo sharafeed u sameeyey Masuuliyiintan.
Masuuliyiintan ayaa u mahadnaqey Garaadka iyagoo sheegay inay ku garab taagan yihiin garaadka iyo dadkiisa halganka ay isku xoreynayaan.






















