Senator John Kennedy: “Muqdisho waxay ka amni fiican tahay New York”

Senator John Kennedy

Mid ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee dalka Mareykanka ayaa isagoo ka fal celinaya hadallo uu khudbad ku jeediyay madaxweyne Biden waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay magaalooyinka Muqdisho iyo New York.

Si la mid ah siyaasiyiinta kale ee xisbiga Jamhuuriga ee daawanayay khudbaddii uu madaxweyne Biden jeediyay Arbacadii, taasoo uu shaaca uga qaaday dhowr mashruuc oo isaga iyo xeel ilaaliyihiisa guud, Merrick Garland, ay aaminsan yihiin inay gacan ka geysan doonaan yareynta dambiyada hubka, ayuu Senator John Kennedy madaxa ruxay isagoo muujinaya inuusan ku qanacsaneyn arrimahaas.

Waxa uu kasoo horjeestay hadallada uu Biden ku sheegay in qorshihiisa uu xal u noqon doono ku dhaqanka shuruucda hubka ee “Magaalooyinka deriska la ah caasimadda iyo gobollada ku dhow dhow”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ugu yaraan kalabar ka mid ah dambiyada hubka ee sare usii kacaya ay eeddooda leeyihiin magaalooyinka ay maamulaan xisbiga Dimiqraaddiga, sida Baltimore iyo Chicago.

Hadallada madaxweynaha waxay u muuqdeen kuwo uusan u dul qaadan karin Mr Kenedy oo durbadiiba tagay warbaahinta Fox News, si uu uga fal celiyo.

Hase yeeshee jawaabtiisa oo noqotay mid hadal heyn dhalisay ayaa ayay dadka qaar u arkeen ka badbadis, waxyaabaha uu sheegayna ay yihiin kuwo u baahan xaqiijin badan.

Erayada uu sheegay wuxuu kusoo qaatay magaca magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

“Aniga qof aan necbahay ma jiro,” ayuu yidhi Kennedy inta uu wareysiga socday. “Balse qof kasta oo madaxweynaha kala talinaya dhinaca dambiyada, mana garanayo qofka uu yahaye, balse qof kasta oo ah sirdoonkiisa wuxuu u muuqdaa ‘nacas.'”

“Waxaan ula jeedaa, maxay tahay sababta ay Chicago u noqotay magaalada ay ka dhacaan toogashooyinka ugu badan adduunka?” ayuu yidhi.

“Maxay tahay sababta haddii ay Muqdisho oo uga nabad wanaagsan tahay marka lagu dhex lugeynayo Magaalada New York?”

“Madaxweynuhu wuxuu u muuqday inuu sheegayo in fal dambiyeedyada aysan sare u kicin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hadalka senator-ka kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa soo jiitay dad badan, waxaana si weyn u hadal hayay warbaahinta Mareykanka iyo kuwa Soomaalida qaarkood.

Kennedy ayaa aaminsan in muddooyinkii lasoo dhaafay ay Mareykanka kusoo bateen weerarrada hubka loo adeegsado, balse waxaa iska cad in uu ku hadlayay fikirka siyaasiyiinta kasoo hor jeeda xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Joe Biden.

Mid ka mid ah waxyaabaha uu soo jeediyay in ay noqon karaan xalka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo dambiyada waa in booliska la siiyo dhaqaale, dibna loogu celiyo lacagtii la siin jiray, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here