Ku dhawaad 1.3 bilyan oo tan oo cunno ah ayaa sanad kastaa qashin qubka lagu daadiyaa, waxaana arrintaasi ay qeyb ka tahay waxyaabaha keenay isbadalka cimilada adduunka.
Dadka ku nool dunida ayaa lagu qiyaasaa sagaal bilyan oo qof, waxaana dadkani ka mid ah 820 milyan oo qof oo aan haysan cunno ku filan.
Cunnada haraaga ah ee qashinka lagu daro ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee bani’aadamku uu wajahayo. Qiyaastii saddex meelood meel, cunnada laga cuno dunida ayaa qashin qubka lagu daadiyaa.
Taasi waa khasaare aad u weyn balse micnaheedu ma ahan cunno la daadiyay oo qashin-qubka lagu qubay oo kaliya balse waxay ka dhigan tahay lacag, biyo iyo dhul la khasaariyay.
Cunnooyinka aad qashinka ku tuurtid ayaa qeyb weyn ka qaadanaya isbadalka cimilada, sababtu waxay tahay cunnadaasi ayaa marka ay qurunto waxaa ka dhalanaya maadada Methine.
Marka laga soo tago waddamada wershadaha ku horumaray ee Mareykanka iyo Shiinaha oo qaaca faraha badan hawada ku sii daaya, gaaska ka dhasha cunnada qashin qubka lagu daadiyo ayaa galaya kaalinta saddexaad ee waxyaabaha ugu badan ee sababa isbaddalka cimilarada.
Haddaba khubaradu waxay ku talinayaan arrimahan hoos ku xusan si looga hortago in dadku ay cunnada iska khasaariyaan isla markaana ay ka qeyb qaataan waxyeellada cimilada adduunka.
Iibso in kugu filan oo kaliya
Dadku waxa ay inta badan soo iibsadaan ama karsadaan cunno ka badan inta ay u baahan yihiin ee ay cuni karaan. Marka, qofku waa in uu iibsado ama karsado in ku filan oo kaliya.
Waa in aad isticmaashaa dhammaan cunnadii kuu soo hartay, inta aadan mar kale soo adeegan.
Cunnada ku keydi meel wanaagsan
Cunnada oo aan si wanaagsan loo keydin ayaa waxaa ka dhalan karaya in cunnadu ay hallowdo oo mustaqbalka qashinka lagu daro. Inta badan dadku ma ay oga qaabka ugu wanaagsan ee khudradda loo keydiyo, taa oo ay marar badan ka dhashaan in ay khudaartu bolosho.
Tusaale ahaan baradhada, yaanyada, toonta iyo basasha ma ahan in la geliyo tallaajadda ama qaboojiye, taa badalkeedana waa in la dhigaa meel heerkulkeedu yahay dhex dhexaad.
Waxyaabaha qaar sida khudaarta qaarkeed waa in biyo la dhex dhigo. Waxyaabaha sida rootiga oo kale, marka ay soo haraan waa in la geliyaa qaboojiye.
Marnaba ha daadin cunnada marka ay soo harto, taa baddalkeedase, waxaad cuni kartaa xilliga xiga sida haddii ay kuu soo hartay xilliga qadada, waa in aad cuntaa xilliga cashada.
Haddii ay cunnooyin badan kuu soo hareen waxaa fiican in aad hal maalin isku wada dartid oo aad cunto halkii aad karin lahayd ama soo iibsan lahayd cunno kale.
Sidaasi ayaana ah qaab aad uga hortagi kartid in marnaba aadan cunno daadin.
In cunnada la geliyo tallaajadda ama qaboojiyaha ayaa ah arrin waligeed soo jirtay, sidaa awgeed waa in mar waliba aad ogtahay waxa kuugu jira tallaajadda.
Horey u sii qaado qadadaada
Inkastoo ay fiican tahay in aad isla soo qadeysaan saaxibbadaada aad wada shaqeysaan ama aad qado u doonatid maqaaxi, balse ogow in uu kugu baxayo kharash badan isla markaana aad horseedi kartid in aad cunno khasaarisid.
Sidaa awgeed, sida ugu wanaagsan waa in gurigaaga aad ka soo qaadatid qadadaada oo aad la timaadid goobtaada shaqada.
Cunnada kuu soo hartay xilliga cashada ayaad talaajadad gelin kartaa, si aroortii marka aad shaqada u socotid aad usii qaadatid, ka dibna xilliga qadada aad kululeysatid. Markaasi waxaa kuu baaqday kharash waxaadna badbaadisay deegaanka maadaama cunnadaasi haddii aad daadin lahayd aad dhibaato u horseedi lahayd.
Tallaabo yar oo natiijo wanaagsan
Arrinta ugu muhiimsan waa in aan yareynaa cunnada aan maalin waliba qashinka ku qubno. Qaabab kala geddisan ayaad adeegsan kartaa si aad u yareysid cunnada aad daadisid. Ogow haddii aad mar kastaa ka fikirtid qaabka aad u yareyn lahady cunnada aad khashinka ku qubtid, waxaad sidoo kale qeyb ka noqoneysaa dadka yareynaya dhibaatada soo gaarta deegaanka.
Dedaal yar ayaad ku bixin kartaa sidii aad u yareyn lahayd in cunnadu aad qashin qubka ku riddid.