Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhoweysay Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu si wadajir ah u meel mariyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda u xaqiijiso wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS-ka oo lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa xubnaha golaha taageeradooda intii ay socdeen doodaha farsamada, waxayna rajaynaysaa inay si dhow uga wada-shaqeeyaan xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee ATMIS-ka si loo gaarsiiyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaah Dibadda Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod la isku raacay ku ansixiyey hawgalka cusub ee Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia, ee loo soo gaabiyo ATMIS, kaas oo bedelaya AMISOM.