Home Blog Page 632

Ceel Afweyn: Gabadhii afraad oo u dhimatay dhaawacii shalay

ceelafweyn

Dhacdo fool xun oo shalay dabley ay ku laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa kaalin ku taala gudaha degmada Ceel Afweyn ay tirada dhimashadu waxay maraysaa 6 qof oo 4 ka mid ahi dumar yihiin, kadib markii gabadh shalay dhaawacii ka mid ahayd ay ku dhimtay Cusbitaal Magaaladda Burco.

Illaa hadda Somaliland ma shaacin inay gacanta ku dhigtay gacan ku dhiigleyaashii.

Maxkamadda ICJ: Waa qasab inuu hir-gelo go’aanka kiiska Somalia iyo Kenya

cabdulqawi icj

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ayaa shaaca ka qaaday inay qasab tahay inuu dhaqan galo go’aanka ay ka gaarto kiiska badda Soomaaliya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo horyaalla maxkamadda.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in laga yaabo in Kenya ay ku gacan seerto go’aanka maxkamadda, haddii uu noqdo mid aan dhankeeda u janjeeirn.

Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa mar kale ay maxkamadda ICJ dhageysan doontaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 13-ka September ee 2019, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqyo sanadka 2020 dhexdiisa.

Madaxweynaha xeer-beegtadda caalamiga ah ICJ, Cabdiqawi Axmed Yuusuf, ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Universal, waxa uu ku sheegay inaysan dhici doonin in la iska tuuro go’aanka maxkamadda, marka ay shaaca ka qaaddo.

“Annaga go’aanayadda, qasab waaye in la hirgeliyo, maxaa yeelay Maxkamadii Cadaaladda Aduunyadda ayaanu nahay,” ayuu yiri.

Cabdiqawi oo Soomaali ah ayaa sheegay in marka horeba, marka ay dowldaha hor-imanayaan maxkamadda, oo ay doonayaan inay kiisaskooda dhageysato, ay taas macnaheedu tahay inay aqbali doonaan go’aan kasta oo ay maxkamadda gaarto, taasi oo ah waxa Kenya ay horey u sameysay.

Jubaland oo lagaga dhawaaqay labo baarlamaan oo iska soo horjeeda

calanka jubbaland

Qaar kamid ah musharraxiinta diiddan tallaabooyinka guddiga doorashooyinka ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay magacyada waxa ay ugu yeereen liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Jubaland.

Musharraxiinta mucaaradka ah ayaa waxay ka biyo diidsan yihiin hannaanka guddiga doorashada ay kusoo xuleen xildhibaanada.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli xaley guddiga doorashooyinka Jubaland ay shaaca ka qaadeen liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Waxaa uu khilaaf ka taagan yahay hannaanka doorashada oo ay kamid yihiin liiska odeyaasha soo xulayo xildhibaanada iyo qaabka loo qabanayo doorashadaas.

5 qof oo 3 haween yihiin oo Ceel-Afweyn lagu dilay

ceelafweyn

Tiradii ugu badnayd ee haween ah oo isku goob lagu dilo mudo daqiiqado ah ayaa maanta Degmadda Ceel Afweyn ka dhacday.

Koox dabley ah oo saaka weerar ku qaaday kaalin shidaal ayaa waxay ku dileen 5 qof oo sadex kamid ahi ay haween yihiin, halka ay ku dhaawacmeen 8 qof oo labo ka mid ahi ay yihiin dumar.

Sidaa uu haan jiray dhaqanka Somaliland iyo mudadii ay nabadgelyada ku jireen waa arin waa arin xun in 5 haween ah isku goob dil iyo dhaawac loogu geysto.

Waa dhacdo aad u xun oo loo geystay dad birimageydo ah.

Wadahadaladii Talibaan iyo Mareykanka oo Qadar ku soo gabagaboobay

talibaan

Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadaladii u dhaxeeyay kooxda Talibaan iyo Mareykanka ayaa la soo gabagabeeyay.

Wadahadaladan ayaa waxay ka socdeen muddooyiinkii ugu dambeeyay caasimada dalka Qadar ee Doxa.

Ma cadda in wax heshiis ah ay gaareen labada dhinac ee Mareykanka iyo Taalibaan.

Saraakiiska Mareykanka iyo kuwa Taalibaan ee wadahadalada ka qayb galayey ayaa waxay sheegeen inay wadatashi la soo samaynayaan hogaamiyayaashooda si loo qaado tallaabada xigta.

Wadahadalada labada dhinac oo 8 wareeg soo maray ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee Afqaanistaan.

Waxay khubarada ay wadaxaajoodkan ku tilmaameen in uu yahay kii ugu rajada waynaa.

Madaxdii horkacaysay wadaxaajoodka ayaa ka dhoofay Dooxa 6 maalmood ka hor,waxayna sheegeen in horumar laga sameeyay wadaxaajoodka.

Balse waxaa magaalada Dooxa ku sugnaa kooxihii dhanka farsamada si faahfaahinta wadahadaladan loo qoro.

Haddii heshiis la gaaro waxay horseedi kartaa in Mareykanka ay ciidamadooda kala baxaan Afqaanistaan.

Waxaa sidoo kale Taliban ay ka dib wadahadalo la yeelan doonaan dowladda Afqanistaan.

Mareykanka waxa uu horey ugu aqoonsanaa kooxda Taliban koox argagixiso ah, dagaal ayuuna kula jiray in ka badan 17 sano.

Balse waxaa muuqata in mareykanka iminka uu isku dayayo in qaab wadaxaajood ah uu u maro xal u helidda dhibaatada afqanistaan.

Dagaalyahanada Taliban ayaa soo ifbaxay horraantii sanaddii 1990,waxa ayna markii hore ka billawdeen waqooyiga Pakistan.

Waxa ay kooxdan soo ifbaxday ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii midowga Soofiyeet ee dalka Afqanistan.

inta badan xubnaha ka tirsan Taliban ayaa waxa ay u badan yihiin qowmiyadda Pashtun oo ah qowmiyada ugu tirada badan Afqanistan.

Waxaa la rumaysan yahay in markii ugu horreysay oo ay howshooda bilaabayeen ay qarash ka heli jireen dalka Sacuudi Carabiya.

Markii ay Afqanistaan la wareegeen waxa ay kooxda Taliban dalkaasi ku soo rogeen Shareecada Islamka.

Intii ay xukumayeen dalka Afqanistaan waxay kooxda Taliban ay mamnuuceen dhagaysiga heesaha, shaneemooyinka iyo in gabdhaha ay da’doodu tahay 10 sano iyo ka badan ay iskuulada aadaan.

Dalalkii aqoonsanaa intii ay xukunka hayeen Talibaan waxaa ka mid ahaa Pakistan, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Tiro ka badan 45,000 oo ciidammada ammaanka ah ayaa lagu dilay Afghanistan shanti sano ee la soo dhaafay.

Jahwareer ka taagan gobolka Kashmiir

ciidamada hindiya

Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa howlgallo kale oo militari kusoo roggay gobolka Kashmiir xilli muslimiinta gobolkaas ay u dabaaldeggayaan munaasabadda Ciidda Carafa, ciidammo badan ayaa ku sugan waddooyinka magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Srinagar. Waxaana weli maqan isgaarsiinta magaaladaas in ka badan muddo toddoobaad ah.

Weriye BBC ka tirsan ayaa kusoo warramaya in misaajiddada waaweyn ee ku yaalla Kashmiir lagu wado in la xiro maadama dadka loo ogolyahay inay ku tukadaan misaajaddada kale ee ku yaalla xaafadaha.

Kumanaan kamid ah ciidammada militariga ee Hindiya ayaa waxay howlgallo ka wadaan gobolka.

Howlgallada Hindiya ay ka waddo gobolka Kashmiir ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii ay gobolkaas kala noqotay aqoonsigii gaarka ahaa ay u heysay Kashmiir, boqolaal qof ayaa la xiray oo ay kamid yihiin siyaasiyiin kasoo jeedo halkaasi.

Dagaal markale maanta ka qarxay degaano ka tirsan Somaliland

ceelafweyn

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Ceel-Afweyn ayaa sheegay in uu maanta uu markale dagaal ka qarxay degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa waxa uu dib uga dhex qarxay labo beelood oo mudooyinkii u dambeeyay isku dagaalsanaa deegaanada degmada Ceel-Afweyn, kuwaasi oo colaadooda mudooyinkii u dambeeyay soo cusboonatay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ilaa hadda ay ku geeriyooden labo qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo si dhaba loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo hadda lagu soo waramayo inoo socdo.

Ciidamada Booliska Somaliland iyo Maamulka Gobolka Sanaag ayaa sidoo kale waxa lagu soo waramayaa inay ku howl-yahiin sidii loo damin lahaa xiisadan dagaal ee dib uga dhex qaraxday labada beel ee wada dagan degmada Ceel-Afweyn.

DAAWO SHEIKH AADAN SIIRO OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI IYO QOYSKIISU AY WAX WALBA BOOBEEN

sheikh aadan siiro

Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheikh Aadan Siiro) oo shalay khudbad u jeediyay shacab Salaadda Ciidda ku tukaday magaalada Hargeysa ayaa si adag u cambaareeyay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay boobeen wax walba isagoo ugu baaqay in madaxweyne Biixi uu ka waantoobo boobkaasi.

DAAWO

Madaxweyne Muuse Biixi wuu kiraystay diyaaradii uu Sucuudiga ku tegay, wareysi Somalidispatch

madaxweyne muuse dhoof
Madaxweyne Muuse Biixi Wuu Kiraystay Diyaaradii Uu Sucuudiga Ku Tagay, Waraysi Tifaftiraha Warbaahinta Somalidispatch.

DAAWO:

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey ciidda Adxada

farmaajo2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta.

“Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil”.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Alshabaab.

“Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda.

Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY