Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadii Beledweyne iyo khasaaraha oo kordhay

Beledweyne

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan..

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in labada qarax ay geysteen khasaara xooggan.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in labada qarax ay ku dhinteen 15 qof islamarkaana ay 30 kale ku dhaawacmeen.

Mr Isxaaq ayaa sheegay in qaraxa labaad uu ahaa midka khasaaraha ugu badan geystay.

“Dhaawicii isbataalka la keenay iyo eheladii u yimid dadkoodii dhaawacmay iyo dadkii dhaawcyadooda soo qaaday ayaa hadana gaari kale oo ah nooca Noah la yiraahdo ayaa waxay isku qarxisay isbataalka hortiisa , dadka ugu badan halkan ayay ku dhineen,” ayuu yiri taliye Isaaq.

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdulle oo warbaahinta kula hadlayay goobtii uu qaraxa labaad ka dhacay ayaa sheegay in wali ay wadaan tirakoobka khasaaraha guud ee qaraxa ka dhashay.

Dhanka kale, waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho loo qaaday meydka marxuumad Aamino Maxamed oo ka mid ahayd dadkii qaraxyadii Baladwayne ku dhintay si hakaasi loogu aaso.

Burburka qaraxa
Qoraalka sawirka,Burburka qaraxa

Sida looga falceliyay qaraxydii Beledwayne

Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxdii cambaareysay qaraxyadii ka dhacay Baledwayne una tacsiiyeeyay marxuumad Aamino Maxamed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh.” ayaa lagu yiri qoraalka madaxwaynaha.

Madaxwaymihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sahariif Sheekh Axmed ayaa dhnkiisa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo qaraxyada Beledweyne.

“Waxaan hey’adaha Amniga ugu baaqayaa in baaritaan lagu sameeyo sida qaraxa dhacay, waxaan markale u jeedinayaa ciidanka Amniga in ay feejignaantooda kor u qaadaan” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiis si kulu u cambaareyay weeraradii shalay iyo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta”. ayuu lagu yiri warka qoraalka ee xafiiska rai’sul wasaaraha.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ka tacsiiyay dadkii ku dhintay qaraxa gaar ahaan xildhibaan Aamino.

“Waxa aan murugada la qeybsanayaa ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo ehelada ay ka baxday marxuumad xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa faray laamaha amniga maamulka Hirshabeelle in baaris deg deg ah ku sameyaan qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamino oo xiliga lagu dilay qaraxa u socotay iney kulan lasoo qaadato madaxweyne Cali Guudlaawe oo ay balansanayeen.

Qaraxyadan waxaa sidoo kale cambaareeyay Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here