Cambaha waa geed-mirood ka mid ah kuwa muddada dheer qaata inay diyaar noqdaan.
Qolofka cambaha iyo qaabka ayaa kala duwan marka loo eego dalalka. Qaarkood waa kuwo kuusan oo jaalle ah, qaarna waa kuwo dhaadheer oo cagaar ama guduud ah.
Cambuhu wuxuu gaar u yahay Koofurta Aasiya, balse wuxuu haatan ka baxaa dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa, waxaa laga shiitaa cabitaan, halka dadka qaarna ay ansalaatada ku darsadaan.
Nafaqooyinka ku jira
- 80g oo cambe ah waxaa ku jira:
- 0.7g borotiin
- 0.3g dufan
- 11.2g karbohaydaraat
- 1.3g faybar
- 134mg potassium
- 29mg fitamiin C
Marka laga soo tago nafaqooyinka ku jira, wuxuu leeyahay shan faa’iido oo waaweyn:
Cambuhu wuxuu qani ku yahay maaddooyinka sunta jirka ka ilaalisa
Cambuhu waa il wanaagsan oo laga helo maaddooyinka ka hortaga sunta jirka.
Kiimikada ku jirta dhirta waxaa ka mid ah gallotannins iyo mangiferin. Labadan maaddo ayaa la daraaseeyay awoodda ay u leeyihiin inay ka hortagaan sunta ka dhalata cadaadiska jirka kaga yimaada nolosha maalinlaha ah iyo sunta ku jirta hawada aan neefsanno.
Miraha kale ayaa qaarkood laga helaa maaddooyinkan waxayna ku jiraan qolofka mirta.
Daraasad sanadkii 2012 laga sameeyay qolofka cambaha ayaa lagu ogaaday inuu door weyn ka cayaaro ka hortagga cayilka, waxaana taa sabab u ah maaddooyinkan kiimikada ah ee ku jira.
Wuxuu u fiican yahay dheef-shiidka
Daraasad la sameeyay sanadkii 2018 ayaa lagu ogaaday in dadka ay calooshoodu aad u adag tahay oo cambe cunay muddo afar toddobaadka ah, uu ka caawiyay inay calooshu u socoto.
Sababta ayaa lagu sheegay in maaddada faybarka ay ku badan tahay cambaha iyo sidoo kale waxyaabo kale oo ku jira mirahan.
Waxaa sidoo kale xiiso leh, in caleemaha geedka cambaha ay sidoo kale ka hortagaan fuuq-baxa maaddaama ay ku jiraan kiimiko.
Daraasad hore looga sameeyay xayawaannada ayaa sheegaya in jiir buuran oo la siinayay cunno ay dufantu ku badan tahay ayaa la siiyay cambe.
Xaaladda jiirka ayaa is beddeshay oo soo wanaagsanaatay maaddaama ay ku jiraan maaddooyinka polyphenols iyo gallo-tannins.
Wuxuu qurxiyaa maqaarka iyo timaha
Cambaha waxaa ku jira xaddi badan oo fitamiinnada A iyo C ah. Fitamiinka C wuxuu qeyb ka qaataa sameysanka collagen – oo ah borotiinka maqaarka qurxiya.
Fitamiinka C waa mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee ka hortaga sunta jirka, wuxuuna ka ilaaliyaa jirka waxyeellada kasoo gaarta deegaanka aan ku nool nahay.
Haddii uu kugu yar yahay fitamiin C wuxuu saameyn karaa bogsashada dhaawaca, wuxuuna sababaa in qofku uu gabowgu kusoo degdego.
Timaheennu ayaa sidoo kale u baahan fitamiin C si uu u sameysmo collagen sidoo kalena ay u qaataan birta – oo ah macdan muhiim u ah koritaanka timaha.
Dhammaan unugyada ayaa u baahan fitamiin A si ay u koraan, waxaana ka mid ah maqaarka iyo timaha, daraasado la sameeyay ayaana muujinaya in noocan fitamiinka ahi uu xitaa dib u dhigo gabowga maqaarka.
Mid ka mid ah doorarka ugu muhiimsan ee fotamiin A waa sameysanka sebum, oo ah maaddada saliidda oo kale ah ee jirkeenna iyo timaheenna qoysa kana ilaalisa qalleylka.
Wuxuu u fiican yahay wadnaha
Daraasad lagu sameeyay xayawaanka sanadkii 2016 ayaa muujineysa in kiimikada mangiferin ee cambaha laga helo, ay wadnaha u leedahay faa’iidooyin ayna ka ilaaliso caabuqa.
Daraasado dheeraad ah oo xayawaanka lagu sameeyay ayaa muujinaya in isla kiimikadan ay gacan ka geysato dheellitirka cholesterol oo ah dufanka jirka ku sameysma.
Inkastoo daraasadahan ay yihiin kuwo waxtar leh, haddana weli laguma sameyn bani’aadamka oo lama ogaan inay waxtar la mid ah kuwa xayawaanka u leeyihiin aadmiga.
Wuxuu u fiican yahay indhaha
Hilibka cambaha ee jaallada ah ayaa ka dhigan inuu qani ku yahay maaddada carotenoids oo caawisa caafimaadka indhaha.
Gaar ahaan, waxaa ku jira maaddooyinka lutein iyo zeaxanthin oo ka tirsan carotenoids kuwaasoo door muhiim ah ka cayaara inay indhaha ka ilaaliyaan iftiinka badan ee naga soo gaara qorraxda iyo aaladaha casriga ah ee aan isticmaalno.
Lutein iyo zeaxanthin ayaa sidoo kale muhiim u ah la dagaallanka calaamadaha gabowga ee indhaha.