WEERAR QARARXYO IYO RASAAS KU BILOWDAY OO XEEBTA LIIDO KA DHACAY

war deg deg

Weerar ku billowday qaraxyo ayaa caawa lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo la maqlay dhowr qarax oo is-xigxigay iyo rasaas xooggan.

Warar hordhac ah ayaa sheegeya in koox hubeysani waaerartay hotel Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido, ayaga oo adeegsanaya weerar qaraxyo ku billowday.

Waxaa la maqlayaa rasaas xooggan oo dhaceysa, waxaana loo maleynayaa inay u dhaxeyso kooxdii weerarka geysatay iyo ciidamada dowladda.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada, waxaana la arkayey dad ka kala cararaya goobta, balse waxaa sidoo kale jira dad ku go’doonsan aagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here