Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa markale ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop 154 oo maanta doorashadiisa oo ku celis ah ay ka dhacaday magaalada Baydhabo.
Waxaa la tartamayay Nasteexo Maxamed Yuusuf oo intii aysan doorashadu bilaabin goobta codbixinta ka sheegtay in ay u tanaasushay xildhibaan Sareedo.
Ergada dooraneysay kursigaan ayaa cod gacan taag ah ku doortay xildhibaanada, kadibna gudoomiyaha gudiga doorashooyink heer dawlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada.
Gudiga FEIT ayaa horey u hakiyay kursigaan, kadib markii ay sheegeen in aan loo marin habraacii doorashada.